Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Ha Ka Oglaanin In Wiilkaaga Lagu Sheego Arday Aan Wax Baran-karin Oo Maskaxda Ka Liita ..Qisadi Thomas Edison Ee Hindisay Matoorada Korontada Dhaliya, Talefoon Iyo Qalab La Nooca

Tuesday - January 17, 2023




Ninka la yiraah Thomas Edison wuxu dhashay sanadii 1847 wuxuuna dhintay 1931 wuxuu ka soo jeeday dalka America ..   EegThomas Edison isagoo aad u yar malin maalmaha ka mida guriga ku soo laabtay isagoo ka yimi Iskuul baqshadna gacanta ku sita markii uu guriga soo galaayay ayay hoyadiis aragtay warqada wuxuuna u sheegay inuu macalinkiisu u soo dhiibay .. markii ay furtay warqadii ayay aad u ilmaysay markaasu Thomas ku yiri maxaa hooyo u oynaysa oo warqada ku qoran ?

Thomas hoyadii waxay wiilkeedi cod-dheer ugu akhrisay warqadii oo ay si kale u dhigtay oo wixii ku qornaa waxay u badashay sidatan: Wiilkaaga waa wiil aad u caqli badan oo Maskax furan oo Iskuulka waa uu ka yar-yahay oo lama qabsan-karo mana hayno macalimiin wax barta sidaas darteed wiilkaaga schoolka waanu ka soo cayrinay ee adigu wax bar guriga ha kuu joogo 

Mudo ka dib Thomas Edison hooyadii waa ay dhimatay waxa uu maalin maalmihiisa ka mida uu dib u eegay wax yaabihii u reerkiisa ka dhaxlay waxa uu arkay Warqad meel ku Jirta gacanta ayaanuu galiyay warqadii ayaa uu furay waxaanu bilaabay inuu akhriyo iyadoo u qornayd sidaan: Wiilkaaga waa Wiil maskaxda ka xanuunsan Uma ogolaan-karno inuu yimaado dugsiga mardanbe halkani ma aha meel dadka dhimirka lagu daweeyo waxaan Kaa cod sanaynaa inaad adigu wax bartid oo anad mardanbe usoo during iskuul .. Warqadaas uu Thomas Edison akhrinaayay waa tii hooyadiisa u dhiibay markii uu yaraa .. Waan ooyey ayuu yiri sida ay hooyadey muraalkeyga u dhawrtay iyo sidey dulmiga iskuula u diiday

Thomas Edison wuxuu hal abuuray wax yaabo badan oo kamida "matoorada korontada dhaliya iyo wax yaabaha warbahintu adeeg-sadaan sido kale wuxuu lahaa hal-abuurka Makarafoonka iyo muqalada dhaq-dhaqaaqa iyo waxa ugu muhiimsan oo ah layrka dunida dhan ifiya .. Thomas waa ninka dhibka badan u soo maray ee maskaxdiisa ka shaqaysiiyay .

Qisadaan waxa aanu ka faidaynaa wax yaabo badan oo faido wacan leeh .. Ha ogolaanin in wiilkaaga niyada laga dilo oo la yiraahdo wax ma baran-karo