Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Waa Qiiso Ah: Ha Xukumin Wax-kasta Adiga Oo Aan Xaqiiqada Ogeyn .. Xukunka Deg-Dega Hadaba iska Butaaca Ah Iska ILaali

Sunday - January 22, 2023



Wiil dhalinyar ah oo 13 jir ah ayaa wuxuu saarnaa Tareen, dabadeedna wuxuu daaqaada kala baxay qoorta, kadib isago yaaban wuxuu ku qayliyay oo yiri: "Aabe Eeg Dhirtu way ina daba socotaayee!".. Aabihii si farax leh wuu dhoola-cadeeyay, oo yiri ma waxaano arag ah baa wiilkeyga ka maqnaa ee alxamdu-lilaah

Waa Treenki dhexdiise, Lamaane da'ayar oo daba-fadhiya Wiilka iyo Aabihiis,  waxay eegeen wiilkii dhalinyarada ahaa, waxayna la yaabeen siduu u dhaqmayo .. Mar labaad ayuu Wiilki si dhakhso leh haddana ku yiri " Aabo Eeg Daruuruhu way ina la ordayaaane!"

Lamaanihii ayaa intay yaabeen ayay odaygii ku dheheen:" Gacalow Maxaad wiilka dhakhtar u gayn wayday".
Odaygii ayaa dhoola-cadeeyay markaasu ku jawaabay: " Arri Boowe hadda ayaanu dhakhtarkii ka nimi,wiilkaygu wuxu ahaa indhool ilaa iyo maalintuu dhashay maanta ayaana ugu horaysa oo u wax ku arkay indhihiisa!" .. Lamaanayaashi ayaa yiri: Sorry Hubsiimo Hal Baa La Siista
Akhristow Ujeedada qisadaan: Waa Xukunka degdega hadba iska butaac ah dhankasta u jiirka ah iska ilaali