Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Jimca Wanaagsan Jimca Barakeysan .. Xikmad Qaali Ah

Thursday - March 2, 2023





Qaadi la oran jiray ILyaas waxa u yimid nin waydiiyey xukunka Khamriga .. Ninkii wuxuu yiri; Qaaliyow iiga warran xukunka Biyaha? ILyaas wuxuu yiri: Waa Xalaal. Ninkii wuxuu yiri: Hadaba iiga waran xukunka Timirta iyo Cinabka? QaaligiWuxuu yiri; Waa Xalaal. Ninkii wax sua'lahayey wuxuu yiri: Hadii Biyaha, Timirta iyo Cinabkuba yihiin xalaal hadii aan isku daro Sadexdaas oon Khamiiriyo maxaa xaaraan ka dhigay?

Qaadi ILyaas wuxuu yiri:  Hadii aan Ciid yar kugu daadiyo miyey wax ku yeelaysaa? wuxuu yiri ninkii may .. ILyaas Wuxuu yiri: hadaan Koob biyaha wajiga kaaga shubo miyey wax ku yeelaysaa? Ninki wuxuu yiri; maya! ..  ILyaas oo jawaabaya wuxuu yiri: hadaan Ciida aan Biyo ku daro oo aan sidi dhoobada u kuuso kadibna qallajiyo intaan bacadka qoraxda u dhigo wajigana kaaga dhufto miyey wax ku yeelaysaa?? Ninkii wuxuu yiri: Haa, walibana way i dilaysaa!! Qaali ILyaas wuxuu yir: Hadaba sida Ciidaas iyo Biyahaasi dhoobada ay u noqonayaan ee ay dhibta kuugu gaysanayso ayaa Biyaha iyo Timirta oo aad khamri ka dhigtona ay wax kuu yeelaysaa sidaas darteed waa xaaraaan.