Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Fariinta Abiy Ee Dagaalka Laascaanood .. Wafdi Ka Socda Raiisal Wasaare Abiy Axmed Oo Gaaray Hargeysa

Friday - March 3, 2023




Wafdi ka socda dawladda Itoobiya, gaar ahaana Hay’addaha Sirdoonka iyo Milateriga oo haysta amarka Raysalwasaaraha dalkaas Abiy Axmed, ayaa shalay galinkii hore aqalka Madaxtooyada ee Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, iyagoo u gudbiyey aragtida dawladda Itoobiya ee dagaalka Laascaanood.

Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Somaliland, Madaxweyne Biixi ayaa gudoomay fariinta Addis Ababa, oo nuxurkeedu ahaa in uu dagaalka joojiyo isla markaana ciidamadiisa kala baxo gobalka Sool .. wafdigaas ayaa si buuxda ugu sheegay Muse Bixi in waxay is hayaana ay yihiin dadka deegaanka ee aysan jirin mar-marsiiyaha Argagixiso.

Bilowga todobaadka nagu soo wajahan ayay isla xubnahan ka socda dawladda Itoobiya la kulmi doonaan Isimadda dhaqanka ee gobalada SSC iyo guddiga 33-da xubnood, iyagoo kala hadli doonaan arrimaha dagaalkan iyo fariin ay ka sidaan Raysalwasaare Abiy Axmed.