Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Saciid Deni Oo Ka Digay Falsafada Fadareysan Ee Muuse Bixii Ku Indha Adag-Yahay .. Sheegay In Puntland Wax Walba U Hureyso Difaaca Laascaanood

Monday - March 6, 2023





Garowe- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaalka ka soconaya xarunta gobalka Sool ee Laascaanood iyo duqeymaha aan loo meel dayin ee maamulka Somaliland ka wado magaalada.

Isagoo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Boosaaso, ayuu sheegay Madaxweyne Deni in aysan Puntland qeyb ka aheyn dagaalka ka soconaya Laascaanood oo uu u dhexeeyo maamulka Somaliland iyo dadka deegaanka ee SSC.

Wuxuu yir "Puntland qeyb kama aha dagaalka Laascaanood, Waxaanse ku kalsoonahay Shacabka reer Laascaanood in ay Sharaf-kooda iyo cirdigooda difaacaan, Kalsooni buuxda baan ku qabnaa”

Madaxweynaha Puntland ayaa intaa ku daray "Waxaan u sheegayna Caalamka iyo Cid-walba in aan keyd u nahay Laascaanood, Marka Isimada iyo Garaadada ay Puntland si rasmi ah uga codsadaan oo arrinta kari waayaan, Waxaan Fariin halkan ugu dirayaa in aan diyaar nahay"

Sidoo kale, Siciid Deni ayaa xusay in ay taageersan yihiin go’aanada dhaqanka SSC, aysana dooneyn in ay jajuubaan dadka deegaanka si ay rabitaankooda ugu khasbaan. Waxaa uu ugu baaqay bulshada deegaanka in Puntland ay diyaar ula tahay wax kasta oo ay go’aansadaan.