Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Hitler Baa U Weynaa Wiil Arlada Galiya Hawl-weyne .. Ciidamadi Muuse Bixii Oo Burburiyey Shirkada Biyaha Nugaal

Tuesday - March 7, 2023



Ciidanka Somaliland ee ku sugan Goojacade ayaa galabtay gudaha u galay Wakaalada Biyaha ee magaalada Laascaanood oo ku taala agagaarka Gooja-cade oo saldhigooda ugu weyn yahay.

Qaar ka mid ah xubnaha maamulka ayaa sheegay in bilowgii dagaalka, goobtan oo ku taalay agagaarka Gooja-cade ay tagi-waayeen shaqaalaha, ilaaladii joogtayna ay ka cayriyeen ciidanka Somaliland, balse qaar ka mid ah madaxdooda lala xariiray oo ay masuuliyiinta shirkadu si gaar ah ula xariireen si qalabka aan waxyeelo usoo gaarin, maadaama uu yahay maalgashi ganacsato.

Balse galabtay waxay burburiyeen ciidanka Somaliland qeybihii shirkadan iyo qalabkii, iyagoo bililiqeystay dhammaan agabkii shirkada .. Isbitaalka guud iyo Wakaalada Korontada ayay horey u burburiyeen ciidanka Somaliland.