Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Xiliga Wareerka Ninki Nabada ILa Saadiya Baan Surin La Qaadin .. Ciidamo Itoobiyaan Oo Soo Degay Magaalada Dolow

Friday - March 10, 2023




Doolow – Magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay gaaray ciidan cusub oo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo ka madax-banaan howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS (ex-AMISOM).

Ciidamadan ayaa sidoo kale waxaa la socday Madaxa hawl-galinta ciidanka militariga dowladda Itoobiya General Tasfaye Ayalew iyo Taliyaha guud ee ciidanka xoogga gaarka ee dowlad deegaanka Soomaalida iyo Sarakiil kale oo ka socotay dowladda Itoobiya.

Masuuliyiintan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Doolow kusoo dhaweeyay saraakiisha ciidamada, guddoomiyaha degmada Maxamed Lafeey iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sida ay ogaatay Galdogob Times, Ciidankan ayaa waxay fariisimo cusub ka sameysteen aagga garoonka diyaaradaha magaalada, waxayna qeyb ka yihiin fulinta howl-gal wada-jir ah oo go’aankiisa madaxda dalalka safka hore ku gaareen magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa socda qorshe lagu doonayo in ciidankan aan ka tirsaneyn howl-galka ATMIS ee Itoobiyaanka ah lagu geynayo degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Hoggaamiyayaasha Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya ayaa 1-dii Febraayo ka qeyb-galay kulan madaxeed uu Muqdisho ku marti-geliyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Itoobiya ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee si rasmi ah u fuliya heshiiskaasi. Jabuuti iyo Kenya ayaa sidoo kale ciidamo dheeraad ah kusoo dari doona ciidamada horey dalka ugu sugnaa ee qeybta ka ah howl-galka ATMIS.

Ciidamadan ayaa qeyb ka noqonaya howl-galka dalalka safka hore ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu xoojinayo dagaalka ka socda dalka, oo deegaano horleh looga xoreeyay kooxda.