Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Maylka U Tiriyey Xagaa Iyo Eritrea .. Gormay Waxay Muujiyaan Lagu Manaafacsadaa
Monday - March 13, 2023
Asmara - Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray caasumadda dalka Eritrea ee Asmara, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay., hasa-ahaate lama garanaayo muraadka dhabta ah ee booqashadaas laga macaashaayo
Asias Afwerki, Madaxweynaha Eritrea oo isagu dacdaro iyo qatooyo ay daris yihiin casuumay Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Asmara. Waana booqashadii saddexaad oo uu Madaxweyne Xassan ku tagay Eritrea, tan iyo markii la doortay 15kii May, 2022.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona qodobada taabanaya xariirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada Amniga iyo siyaasadda, xilli isqaabeynta gobalka Geeska Africa uu labo-kacleynayo.
Eritrea, waxay horey u tababartay 5-kun oo ka mid ah ciidamadda xoogga dalka, waxayna hadda tababar u bilowday Kumanaan kale oo bilo kahor lageeyey .. Dawladda Soomaaliya ayaa sida ay u maamushay ciidamadii la tababaray ay suaalo dul-hoganayaan.