Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Waxaad Darajo Moodaaba Dib Baad Uga Shalaayine .. Xukun Qisaas Diyo Adag Lagu Riday Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Xooga Ee Dolow

Tuesday - March 14, 2023




Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta xukun ku riday Sarkaal ka tirsana ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo loo heysto dilka maxbuus ka tirsana kooxda Al-shabaab.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa Maanta Sarkaalkaan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Maxamed Cosoble ku riday xukun Diya adag oo ah Qisaasta Marxuum Aadan Gaarac Habarwa iyo Shan sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay guddoomiyaha Maxkamada darajada koowaad Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute.

Marxuum Aadan Garaac Habarwaa ayaa la sheegay inuu u geeriyooday biyo hafin bishii lasoo dhaafay 23-keedii, kaasoo u xirnaa kiis la xariiray maleegista qaraxii lagu dilay Taliyahii Ururka 28-ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

27-kii bishii Febraayo ayay aheyd markii kiiska Sarkaalkaan Maanta la xukumay loo soo wareejiyay magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in xiligaas uu garoonka degmada Dooloow ka dhacay weerar ay soo qaadeen Maleeshiyaad ku heyb ahaa Sarkaalkaan oo diidana in loo soo qaado Muqdisho.

Weerarkaasna waxaa dadkii ku dhintay ka mid ahaa Taliyahii amniga garoonka diyaaradaha degmada Dooloow Maxamed Xuseen Cabduulaahi Ganeey, waxaana xiliga weerarkaasi uu dhacaayay garoonka ku sugnaa guddoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute.