Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Bishaaro Wanaagsan ..Welcom Soo Dhawoow Yaa Ramadaan Oo U Riyaaqa Runta Timid .. Waa Bil Kheyrku Burqanaayo .. Waa Bil Ku Duugan Siro Badan O Cajab Iyo Cibro Leh

Wednesday - March 22, 2023




Bismillaahi Eebow Waa Hadal Wax Lagu Bilaabo Ee Mudanayaal iyo Marwooyin Salaan Sharafeed Iga Gudooma .. Marka Xiga Guud ahaan Shacabka Somaaliyeed iyo musllimiinta caalamka dacal ka dacal ayey caawa si rasmi ah uga bilaabaneysa gudashada waajibaadka bisha barakeysan Ee ku beegan sanadka Milaadiya 23/03/2023/ Hijriya 1444 ..  Ramadaanku waa Bil illaah ka fadilay Bilaha kale, waana Bil mudan in lagu soo dhaweeyo hambalyo iyo u diyaar garoow wanaagsan .. waa bishii burhaanta iyo wax-yiga .. waa bishii Nuurka biligleynaaya ee kheyrka burqanaayo, Waa bishii quraan akhriska iyo sadaqada la badiyo saburkana la barto ma daama laga soomayo wax-yaabaha naftu jeceshahay oo ay ka mid yihiin Cunada Iyo Cabida .. Sido kale waa bishi la boqray Maxamed SCW ee uu dacwada ku baaqay .. waa bishii dagaalka lagu jabiyey Gaaladi Barar .. waa bishii Habeen camal la badiyo ee ka kheyr badan Kun bilood.  

Sida ku xusan taariikhda islaamka Soonka bisha Ramadaan waxaa waajib laga dhigay sanadkii labaad ee Hijrada, waqtigaas oo dadka Muslimiinta ahaa ka soo qaxeen magaalada Maka iyago u socda magaalada Madiina .. Habeenka u horeeya Ramadaan waxaa la xir-xiraa Sheydaan iyo kuwa jinka ugu madax adag .. Albaabada Naartana waa la xiraa, albaabada Janadana waa la fura .. Mid dhawaaqa ayaa dhawaaqaya isago leh:  "Ninki Kheyr doonayow soo Jeeso, Ninki Sharka donayow jooji Sharka"

Alla Weyn Ninki Aamina Awood Leh .. Ikhyaarey Markaan daawado wararka aduunka waxay u muuqata in Dhiig iyo Rabshado ku sii kordhayaan aduunka oo dhan .. Qaraxyada dalkeena Somaliya, Lubnaan, Suuriya iyo Ciraaq, dilalka Baakistaan, falastiin iyo israaiil, xasuuqa Laascaanod intaas kor ku xusan waa Danbi bani-aadamka laga galaayo .. Rabiyow Dadyooga U Garsoor oo kuwa sharka leh sharkooda ha dhamaado oo xooge kuwa xaqa ah.
 
Ikhyaarey, Waa Bishi ILaah Ee Ducada U banbaxa oo Sajuuda Badiya, oo Sadaqada iyo akhriska Qu'raanka badiya  .. waxaana idin leeyahay Allaha ha na barakeyo dhamaanteen hana nagu hanuuniyo in aan raacno jidka toosan, waa xaqiiqo in Eebe wuxuu kaa rasaaqaya meel aadan weligaa wax ka filaneyn oo Ruuxi Eebe tala saarta isaga ku filan .. Eebe wax walba waa u qadaray.

Fiiro Gaara:  Inshaa Allaah Sidi Caadada Ahayed Ramadaanka Awgiis Waxaan Idin Soo Qori-doona Taxanihi Taariikhihi Akhbaari Zamaanki hore Iyo Wixii La Xariira Ee Qisooyin DiiniAh, laakiin mararka qaarkood Waa Dhici-karta inaan idin Soo Gudbiyo Wixii News Oo Markaas Muhim Noqon-kara .. Waa Maxamed Calixaashi "Ina Cadaawe"  oo idin leh Salama Ka Dheh