Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

"Qaybti 3Aad" Ku Xirnow Taxanaha Akhbaarti Faca Weyneyd Ee Samaanki Hore .. Abuuristi Nabi Aadam .. Mirashadi Ibliiska .. Abeesadi Duubneyd .. Dhadhamadi Xaawo Dhaafsiisay Noloshi Janada

Saturday - March 25, 2023




ILaah wuxuu abuuray wax-yaabo kale oo badan intaan binii’adanka la abuurin. Waxaa ka mid ah wax-yaabahaas  uu ILahay abuuray Maalmaha kala duwan sida ciida oo la abuuray maalin Sabti ah, Geedaha oo la abuuray maalin isniin ah, Buurah oo la abuuray maalin Axad ah, Cudurada oo la abuuray maalin Talaado ah, Nuurka oo la bauuray maalin Arbaca ah iyo Khamiis oo la abuuray  wax-yaabaha kheyraadka ah.
Intaas kadib Ilaahey waxuu abuuray Nabi Adam (scw) maalin Jimca  ah  Salaat casir kadib .. Allaah subxaana watacaala Malakul jibriil ayuu samada ka soo diray kuna yiri Dhulka iiga keen Caro si Nabi Adam loo sameeyo.  Jibriil sidii ayuu sameeyey ILaah Nabi Adam  ayuu abuuray waxuuna ku dhax abuuray janada, waxaana  laga abuuray ama laga sameeyey nabi Adam Ciid ama Caro medebkeedu kala duwanyah .. Nabi  Adam,  Afartan habeen ayuu dhoobo ahaa, markii la sameeyay kadib. Afartan Cisha kadib Naf ayaa ILaah ku afuufay nabi Adam , waxayna ruuxdu ka gashey qaarka hore Isla markii nafta la geliyey wuu hindhisay  ILaahna waa u duceeyey.  Nabi Adam cunitaan ayuu ku bilaabay Mirihii janada ku yiilay isaga oo qaarka danbe wali meyd  ka  ah.

Janada waxaa ku noolaan-jirey Malaa’ikta iyo ibliis oo Adoon wanaagsan ahaa markaas. Ibliis nabi Adam ka hor ayaa la abuuray janada ayuuna ku noolaan jirey. Intaas kadib markii nabi Adam(scw) la abuur dhammeeyey, ilaah wuxuu amray Malaa’iktii  iyo ibliis in ay u sujuudaan nabi Adam. Malaa’ktii wey u sujudeen nabdi Adam laakin ibliis wuu diiday in uu u sujuudo nabiga asag oo iska kibriyay iskalana weyn amarka Ebe iyo Nabigaba. Ibliis wuxuu dhahay isaga oo is-kibrinaya uma sujudayo wax ama qof laga sammeyey carro maxaa yeeley ani waxaa la iga sammeeyey Naar ama Holac waana run oo ibliis waxaa Ebe ka abuuray Naar laakin amarka Ebe wuu diidey in uu raaco. 
Ibliis maalinba maalinta ka danbeyso naceeb ayuu u qaaday iyo cuqdada asag oo la yaaban ujeedad loo abuuray nabi Adm (acw). 
Markii ibliis diidey Alle amarkiisa, janada ayaa laga ceyriyey ayada oo naxariis iyo raxmad Ebe laga fogeeyey. Dambikaas oo ahaa dambigii ugu weynaa oo ILaah laga galo.

Nabi Adam janada ayuu iska dhax joogi  jirey, markaas cidlo ayuu dareemay janada dhaxdeeda. Ilaah wuxuu u abuuray Xaawo oo laga abuuray nabi Adam feeriisa si ay wehel  iyo xaasba ugu noqoto. illaah (swt) wuxuu ku yiri Adam iyo Xaawo dega janad dhexdeeda kana cuna meeshaad doontaan illaa Geed laga xarrimay mooyee.  

Ibliis markii janada laga ceeriyey  kuma harin intaas kamana quusan ee wuxuu isku diyaa-jiyay maalin kasta sidii uu nabi Adam iyo Xaawo uga saari lahaa janada. Albaab kasta oo janada malaa’ikta ayaa waardiyo ka aheyd si ibliis janada uusan u gelin .. Ibliiis maalin-kasta wuxuu u tagi-jiray xayawanada oo markaas hadli jiray wuxuuna ku dhihi jiray janada i geliya.

Maalin maalmaha kamid ah waxaa ibliis ku soo qaday ilkaha Abeyso soona galisay janada. Meeshaas wuxuu ka helay fursad , isla markiina wuxuu ku degdegey sidii uu nabi Adam u was-waasin lahaa ugana saari la haa janada .. Ibliis wuxuu kula taliyey nabi Adam in uu cuno geedkii Alle ka reebay ama ka xarrimay kuna caasiyo illaahiisa. Nabi Adam wuu ka diiday waxii ibliis u soo bandhigay iyo in uu ku caasiyo Rabigiis. Ibliis wuu ka quustay nabi Adam kuman guuleysan in uu cunsiiyo Geedkii, laakiin ibliis wuxuu u degdegey Xaawo kuna waaniyey in ay cunto Geedka. Ibliis wuxuu ku dhahay Xaawo iyo Adam waxaa cunista geedka ilaahay idin kaga reebay si iidan u noqon labo Malak oo waara. 

Xaawo Geedkii  ayey goosatay  kadibna cuntey madaama ibliis si fiican ugu sharaxay macaankiisa,  Xaawo markey cuntey Geedkii waxay  ku khasabtey iney cunsiiso nabi Adam , laakin wuu ka diidey in uu caasiyo illaah. Xaawo waxay ku  dhahdey nabi Adam ima soo gashid ilaa aad soo cuntid Geedka  akteydane ka fogow .. Nabi adam murugo ayuu dareemey markey Xaawo la hadli-diidey taasine waxey ku qasabtey in uu cuno Geedkii ilaah ka xarrimey. Intaas kadib Xaawo iyo Adam waxey ogaadeen in ay caasiyeen ilaah .. Xaawo iyo Adam janada ayaa laga soo saaray maadama ay caasiyeen ilaahay. illaah wuxuu ku yiri Xaawo iyo Adam u hoobta dhulka nolol ayaa idinku sugnaatey in muddo ah.

Xaawo iyo Adam waxaa laga soo kala tuuray Maka-jida iyo india, meeshaas  ayey isku waayeen , nabi Adam Xaawo ayuu radiyey kadibna ilaah ayaa is haleeshiyey kadibne waxey aadeen Mako. Halkaas Adam iyo  Xaawo nonol ayey ka bilaabeen  iyo sidii ay ugu dhaqmi-lahayeen dhulka korkiisa .. Xaawo waxey  dhashey Afartan carruur oo mataano ah (40) waxeyna  uureysatay (20) jeer. Waxaa kamid ahaa carruurta laba wiil oo la kale dhaho Qabil iyo Habil.  Sharciga markaas jiray wax uu ahaa in uu nabi Adam u guuriyo Mataanka hore  mataanta danbe, waxaa xaraan ka ahayd in ay labo mataana ah is guursadaan.  Qabil  wuxuu diidey in uu gursado gabadhii guur ugu aadaneyd wuxuuna  yiri waxaa kaliya oon guursan mataanteyda  laakiin gabadhaas xalaal uma aheyn. Meshaas waxaa ka dhashey caasinimo kale oo Qabil wuxuu ku caasiyey ilaah iyo aabihiis nabi Adam (scw).

illaah wuxuu amrey Qabil iyo Habil in ay sadaqo la baxaan, qofkii la aqbalo sadaqadiisa ayaana guursan gabadha. Habil wuxuu ahaa qof wanaagsan wuxuuna sadaqeystey wixii ugu wanaagsanaa  xoolihiisa madaama uu ahaa nin xoolaaley ah, laakin Qabill oo ahaa nin beeraaley ah wuxuu bixiyey  wixii ugu xumaa beertiisa. illaah wuxuu aqbalay sadaqdii Habil madaama uu ahaa qof kheyr qaba. Qaabil intaas kadib wuu xanaaqey , Sheydaan ayaana  ka qaalib noqday wuxuuna go’aan ku qaatey in uu dilo walaalkiis Habil, kadibne dhagax ayuu ku diley. Meeshaas Qaabil dambi weyn ayuu xambaarey, qofk kasta oo maanta la dilo Qaabil dambiga qofkaas  bar ayuu ku leeyahay, maxaa yeeley wuxuu ahaa Qaabil qofkii qof dilo ugu horeeyey Aduunka .. Nabi Adam wuxuu  noolaa kun sano ,  kun sano kadibne ilaah ayaa oofosaday. Nabi Adam  (scw) malaa’ikta ayaa dhaqdey oo kafantey.

Qore: Maxamed Calixaashi " Ina Cadaawe" Oo Idin Leh Rabi Ha Maqalo Baryootankiina Oo Jidka wanaagsana Allaha Na Mariyo Kan Kheyrka