Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

"Qybti-7Aad" Ku Xirnow Taxanaha Silsiladi Akhbaarti Faca Weyneyd Ee Zamaanki Hore .. Qoomka Ya'juu Iyo Ma' Juujj Ma Aha Jin Mana Aha Xayawaan Ee Waa Bani'aadam

Friday - March 31, 2023



Samaanki hore Wixii Jiray Iyo Waxa Jiri-doona .. Ya’juuj iyo Ma’juuj waa laba Qoom oo ka tirsan bani Aadamka .. ma aha Jin, mana aha Xayawaano kale ee waa Dad ka mid ah Basharka, Waxay ka soo farcameen duriyadii Nabi Aadam iyo Xaawa "Nabad iyo Naxariis Korkooda Ha Ahaato" Sidoo kale waxa weeye duriyadii Nabi Nuux CS maa-daama Eebe (SW) ka aqbalay ducadii Nabi Nuux inuu halaago dhamaan gaalada, sidaa awgeed dadku dhamaantood waxay kas oo jeedaan faraci Nabi Nuux .

Nabi Nuux waxa uu dhalay Sadex Wiil oo kala ah Saam ibnu Nuux oo ah Aabaha Carabta, Xaam ibnu Nuux oo ah Aabaha dadka Madaw iyo Yaafith oo ah Aabaha Turkida, Ya’juuj iyo Ma’juuj waa qoomiyado ka soo jeeda Yaafith ibnu Nuux.

Qoomka Ya’juuj iyo Ma’juuj waxay shabahaan dadka ay isku jinsiga yihiin ee Turkida ama jinsiga Mangooliyiinta .. Juujku waa dad indho yar, san-kooduna kamas ayuu leeyahay, Timahooduna jaale guduudan ah, Waji balaaran leh oo la moodo Mandaraq .. waxa la sheegaa inay yihiin Dad aad u dDaadheer ama dad aad u Gaagaaban oo dhago dhaahdheer leh, midkood intaanu dhimanina waxa uu ka tagaa duriyadiisa oo gaareysa kun qof, hase ahaatee sifooyinkaasi ma aha kuwa sugan ama saxiixa. 

Sida xaqiiqada u dhawna waxa weeye inay yihiin dad shabaha basharka maadama ay sugantahay inay yihiin ibnu Aadam. Waxay riwaayadaha saxiixa ah tilmaamayaan in ay yihiin qoom xoog wayn, oo aan la hor istaagi karin oo aan layska dhicin karayn .. Ya’juuj iyo Ma’juuj waa dad aad u tiro badan, waxaana u daliila inay tiro badan yihiin sidoo kalena ku abtirsadaan duriyada Nabi Aadam CS xadiiska ku soo arooray Bukhaari iyo Muslim.

Waxa uu yiri Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) Allah waxa uu oranaya maalinta Qayaame: Aadamoow kac oo soo saar cida duriyadaada galaysa Naarta, waxaanu oran: Eeboow waa kuwama cida galaysa Naarta? waxa uu dhihi: Kun kii kastaba ka soo saar Sagaal Boqol sagaashan iyo sagaal, mid kaliyana Janada ayuu gali, markaasbaa ilmaha yar ciroobayaa, tu kasta oo uur lehna dhicinaysaa, waxaanad arkaysaa dadka oo waalan, mana aha kuwo dhab u waalan ee cadaabka Eebaa daran. Waxay dhaheen Rasuulkii ilaahayoow oo yaa noqonaya midkaas? waxa uu yidhi rasuulkii Ilaahay SCW: Bushaaraysta midku idnka weeye, Ya’juuj iyo Ma’juujna waa kunka

Ya’juuj iyo Ma’juuj waa dad dhulka fasahaadinaya sidaa awgeed ayaa ninkii dhulka meeray waa Dul-Qarnayne CS uu la kulmay qoom ay ku adagtahay hadalku, qoomkaas oo ka cabanaya Ya’juuj iyo Ma’juuj waxayna ku dhaheen. (waxaan ku siinaynaa kharash ama mushahar ee Ya’juuj iyo Ma’juuj nooga samee xireen ama Sad na kala xira waayo dhulka ayey fasahaadinayaan markaasuu Dul-Qarnayn ka aqbalay cabashadoodii oo waxa uu u sameeyey (Sad) xireen gidaar ah, kaas oo u dhaxeeya laba buurood dhexdood, waxa uu Dul-Qarnayn dalbaday birta Xadiida iyo Naxaasta si ugu sameyo xireenkan. markuu dhamaystiray xireenkii maysan awoodin Ya’juuj iyo Ma’juuj inay ka soo baxaan, waxaanu yiri Eebe ayaa mahad iska leh, markay gaarto maalintii ilaahay ugu talo galayna in ay burburtana way burburi.

Ya’juuj iyo Ma’juuj waxay soo baxayaan marka calaamadaha qayaamaha qaar badan la arko sida soo bixista Dajaal, Mahdiga iyo soo dagista Nabi Ciise CS. Sidaan ognahay Nabi Ciise waxa uu dilayaa Dajaal cawar, muslimiintuna way ka guulaysanayaan Yahuudii taageeray Dajaal. Xilliyadaas ayey soo baxayaan Ya’juuj iyo Ma’juuj ayagoo jaho sareysa ka soo degaya, waxayna soo marayaan Badda la dhaho (Dabariya) wayna Cabayaan biyaheeda, ilaa midkood dhahayo meeshan waa bey Bad ahaan jirtay. Dadku waxay galayaan dhufaysyo waxayna laynayaan cidii ka soo hor baxda ee beer dad iyo xoolaba. 

Nabi Ciise iyo inta la socotana waxay fuulayaan buur waxay baryayaan ilaahay inuu ka koryeelo qoomkan aan waxba reebayn. Kadibna Ya’juuj iyo Ma’juuj waxay cirka ku tuurayaan leebab waxayna leebabkii soo noqonayaan ayagoo dhiig leh, markaasay dhahayaan waan ka adkaanay dadkii dhulka joogay iyo cidii cirkaba joogtay. Markaasaa Ilaahay usoo diraya mid ka mid ah ciidankiisa (sangaale) cayayaan yar oo sanka iyo dhagaha ka gala Geela, dabadeedna mar kaliya ayey wada dhimanayaan.
Nabi Ciise CS ayaa amraya mid ka mid ah saxaabadiisa inuu soo eego waxa ku dhacay Ya’juuj iyo Ma’juuj. Ninkan ayaa baxaya oo soo eegaya, waxaanu arkayaa dhulkii oo maydkoodii buuxiyey, dabadeedna Nabi Ciise iyo saxaabadiisu way soo baxayaan waxayna Eebe ka baryayaan in maydkooda laga kaxeeyo dhulka.
waxa Eebe (SW) soo dirayaa Shinbiro qoorta awrta leh markaasbay jiidayaan maydkooda kuna darayaan badda. Kadibna roob ayaa da’aya oo Eebe ku nadiifinyaa dhulka.