Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

"Qaybti 10-Aad" Ku Taxnow Silsiladi Taariikhdi Faca-weyneyd Ee Zamanki Hore .. Waa Sheeko Dhex-Martay Nabi Maxamed "SCW" Iyo Nin Reer Miyi Ah Oo Yiri "Alle Waan Xisaabin Haddii Uu ii Xisaabiyo"

Wednesday - April 5, 2023




Zamanki Nabi Maxamed Iyo Maalin Nabiga (S C W) isagoo xaalada dadka eeg-eegaya iyo waxay ku howlan-yihiin fiir-fiirinaaya ayuu maqlay nin reer miyi ah oo leh "Yaa kariim Yaa Kariim".. Rasuulka ayaa ka daba dhahay "Yaa kariim" ..  Ninkii Reer miyiga ahaa ayaa isna wuxuu mar kale ku celiyey ereygi "Yaa kariim".. Rasuulka (SCW) ayaa mar kale ka daba yiri "Yaa kariim"

Ninkii Reer Miyiga ahaa inta uu Rasuulka fiiriyay ayuu ku yiri “Nin-kaagan Wejiga furan ee qaabka qurxan in aan reer Baadiye ahay darteed miyaad iigu jees-jeesaysaa!? illaah baan ku dhaartaye wejigaaga furan iyo qaabkaaga toosan ayaan kugu dhaafay ma-ahane Nabiga ayaan kaaga dacwoon-lahaa.

Rasuulka inta uu u dhoola caddeeyay ayuu ku Yiri "Oo Walaal Rasuulkaaga ma taqaan?" Wuxuu ninki ku jawaabay "Maya laakiin waan aaminay mana arag, waan rumeeyay mana la kulmin"

Rasuulka ayaa ku Yiri "ogoow inaan ahay Rasuulkaaga Adduunka iyo shafiicaaga Aakhiro”.

Ninki Wuxuu u soo cararay xaga Rasuulka oo markiiba jilba jabsaday iskuna dayay inuu gacanta ka shumiyo. Wuxuu Rasuulka Yiri "ha igu sameyn sida loo sameeyo boqorada Ruum iyo cajamta!"

Isla markiiba Malaku Jibriil ayaa soo degay oo Rasuulka ku yiri "Salaamu Caleyka Yaa Muxammad, Rabbigaa wuxuu ku leeyahay ku dheh kan kula jooga yuusan damcin deeq-deenna waan xisaabineynaa maalinta Qiyaamo".. Reer Miyigi oo fariinta gaartay wuxuu Yiri "illaahey ma i xisaabinayaa Rasuulki Alloow!?"  Wuxuu Rasuulki yiri "Haa, insha Allaah".. Ninki Wuxuu Yiri "Wallaahi hadduu i xisaabiyo anigana waan xisaabinayaa"

Rasuulka (SCW) ayaa ku yiri "Walaal Maxaad Rabbigaa ku xisaabineysaa?"

Ninki Baa yiri "Haddii uu dembigeyga igu xisaabiyo waxaan ku xisaabinayaa dembi dhaafkiisa, hadduu igu xisaabiyo Bakhiil-nimadeyda waxaan ku xisaabinayaa deeqsi-nimadiisa, hadduu igu xisaabiyo tabar-daradeyda waxaan ku xisaabinayaa awooddiisa".. Rasuulka (SCW) wuu ooyay illaa ay ilintu garkiisa ka qoysay .. Malaku Jibriil ayaa mar kale soo degay oo Yiri "Rasuulkii Allow Rabbiga wuxuu ku leeyahay oohinta jooji, waxaa oohintaada ku mashquulay Malaa’igta Carshiga Xambaarsan Tasbiix-dooda, midka kaa oohiyey ku dheh: Yuusan na xisaabin ma xisaabineyno ee wuxuuna noqonayaa rafiiqaaga “janada .. Allaahu Akbar