Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

"Qaybti 12-Aad" Ku Xirnow Akhbaarti Faca-weyneyd Ee Zamaanki Hore .. Qiso Farxada Iyo Sacaadada Xagee Laga Helaa

Saturday - April 8, 2023




Qof kastaaba waxa uu jecel yahay inuu farxad ku noolaado balse dadka badan-koodu ma gaaraan herka farxadda ay rabaan. Sababta dadka badan-koodu aanay u gaarin farxadda waa isagoo aan faham fiican ka haysan dareenadooda, sidoo kale aan si buuxda u fahamsanayn waxay farxaddu tahay.
Hadaba halkaan waxaan idin kugu soo bandhigi-doonaa Qiso kaa caawin doonaa inaad farxadd ku noolaato, isla markaana aad joogteyso farxadaada.

Waxaa jiri jiray Nin Taajir ah oo Xoolo iyo Maal alle siiyey laakiin Taajirkaas waxaa ku badnaa stress-ka iyo nolol murugo leh, isla markaa wuxuu intaa ku hawlanaa xalinta muranka iyo canaanta qajajacada isaga iyo xaaskiisa, wuxuuna gaaray heer u waayo hurdo ku filan taaso ku riday degaansho la'aan, caro iyo farxad la'aan 

Ninkaas Taajirka ahaa ee walwalka iyo Strese-ka la seexan-waayey, waxaa la Daris ahaa nin dan-yar ah oo quut-maaleedkiisa ka qaraabta amase biilkiisa u daba jooga suuqa magaalada, islamarkaana isaga iyo xaaskiisa iyo caruurtiisba ay faraxd ku nool-yihiin oo wax buuq ah gurigooda lagama maqlo, halka ninka Taajirka ah habeen iyo maalin gurigiisa buq ka taagan-yahay, has-ahaate ninki Taajirka ahaa waxuu ka maseyray degnaashaha reerkaas faqiirka iyo xasiloonida ay ku nool-yihiin, sidaa daraadeed ninki buu u tagay oo u geeyey Lacag yirina lacgtaas ku shaqeyso oo faqriga kaga-bax.

Faqiirki oo lacagti qaatay, ayaa ku hawl-glay rogrogid ganacsi, waxaana u halkaas ka helay faaiidooyin badan iyo Ribix aan la soo koobi-kain .. Faqiirki wuxuu muddaba hawshaas ku jiraba waxaa isagiina ku bilaabatay walwal iyo deganaasho la'aan oo sidi Ninki Taajirka ahaa ayaa isagana hurdadi ka tagtay illa u gaaray heer u xaaskiisa la dagaalamo, hasa-ahaate markiiba wuxuu dareemay in dhibka iyo qaska gurigiisa soo galay ay tahay Lacagti Taajirku siiyey oo ujeedkisu ahaa in faraxd u waayo, sidaa daraadeed Ninki Faqiirka ahaa wixii lacag u siyey Taajirki ayuu dib ugu celiyey oo ka kaftoomay lacagti u siisay .. Maalintaas ayaa ninki Faqiirka ahaa dib ugu soo laabatay faaxdi, qosolki iyo Sacaadadi ay ku wada noolaan-jireen isaga iyo xaaskiisa 

Gabagabo: Guusha iyo farxadda waa ku xirnaashaha Allaha oo u raalli kaa noqda .. Tuko oo badi Salaadaha, oo bixi Sadaqada kuna Sali Nabi Muxammed CSW isagaa ah hoggaamiyihii guusha.