Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Ku Taxnow Silsiladi Akhbaarti Faca-Weyneyd Ee Zamanki Hore .. Qisadi Dhex Martay Haweyney Sineysatay Iyo Nabi Muuse CS

Tuesday - April 11, 2023




Zaman Hore Iyo Maalin Maalmaha Ka Mida, Gabadh Reer Binu Israeil Ah ayaa u timid Nabi Muuse. waxay ku tiri:  Nabi Allow Waan danbaabay Ee inaan Toobad keenan rabaa .. Wuxuu ku yiri maxaad samaysay, Waxay ku tiri: "Waan Sinaystay ILmihii Aan Dhalayna Waan Dilay" .. Nabi Muuse wuxuu ku yiri I dhaaf Oo iga hor tag weliba si caro Leh, dabadeedna iyada oo niyad jabsan ayey ka tagtay.

Gabadhi maalintii labaad ayey ku Soo Noqotay Nabi Muuse Iyada oo hadana Towbad keen u socota .. Isla sidii ayuu Nabigu ku yirii i dhaaf.

Xag Alle, Waxa Kadib Soo Degay Wax-yigii Alle .. Waxa Rabi Oo Nabi Muuse La Hadlaya Yiri "Muusow Maxaad U Celinaysaa Gabadha Danbi Dhaafka U Socota Ee Towbad Keenaysa, Miyaad Ogtahay Cida ILaahay Agtiisa Ka Shar Badan Iyada?"

Nabi Muuse ayaa Yiri " ILaahayow Gabadha Sinaysatay Ee ilmaheedii Dishay Yaa Ka Shar Badan" Wuxuu Rabi ugu jawaabay waxa ka shar badan "Taariku Salaadka Ka Tagtaga Salaada isagoo Og Kaas Ayaa Gabdha Sinaysatay Ee ILmaheedi Dishay Ka Shar Badan " 
Subxaan Allah  Akhristow Walaal iska ilaali Salaada iyo waqtigeeda iney ka tagto