Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Nin Shaacir Ah Baa Laga Haya: Waranka Dhaawac-yadiisu Wey Bogsadaan Laakiin Carabka Dhaawaciiso Ma Bogsado .. M/weyne Xasan Oo Beeniyey Beenti Cantar-baqashka Ee Cadeyn La'aanta La Qubay

Tuesday - May 2, 2023




Wax Is-Weydin Ma Xuma Wax Is-Weydaarinta Daran .. Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay warar af-xumo habqan ah kutiri-kuteen cantara-baqash ah oo horey gudo iyo dibad muddo aan yareyn kolba meel lagu dhufanaayey, gaar ahaan wuxuu goobtaas la kulanka dadweynaha ka cadeeyey ineysan waxba ka jirin dacaayada qorta loo suraayo ee ku dhisan mala-awaalka, taaso lala xiriiriyey in dawlada fedaraalka iyo Puntland isku hayaan arrimo siyaasadeed, hasa ahaate halkaas iyo goobti u qaabka ku sharaxaayey doodiisa kaga hadlaayey ayuu ku cadeeyey in uusan jirin khilaaf siyaasadeed oo ka dhexeeya Puntland iyo fedaraalka, balse ay jiraan ayu yiri arimo kalo gaara oo waqtigeeda iyo xiligeeda sababteeda la ogaan-doono

Madaxwene Xasan Shuukh ayaa sidaas oo kale ganafka ku dhuftay in xriir iyo hehiisyo qarsoodiya u la sameystay Dawlada imaaraadka Carabta, balse sida u sheegay u markasta xeerinaayo xirirki soo jireenka weligeeda jirtay somaliya iyo imaaraadka .. wuxuu si gaara u tilmaamay in dawlada iimaaradka ay si hagar la'aan u caawiso ciidanka Xooga oo baahi weyn u qaba Tababaro, dhismo iyo hubeyn intaba .. waana ka helnay ayuu yiri iyado shuruud la'aan ah .. Markale oo wax laga weydiiyey magacaabista Gabadhiisa, waxuu sheegay in gabadhiisa ay tahay Mawaadinad xaq u leh iney sida kuwa kale ee xilalka haya iyadana shaqo loo magcaabo. 

Madaxweyne Xassan ayaa isla markaa goobti shira ka cadeeyey inu taageero gurmad u hayo arinta Kacdoonka dadyooga reer Laascaanood oo masiirkooda ku doonaaya iney ka mid-noqdaan midnimada somaliya, wuxuuna carabka ku dhuftay in si toosa iyo si dadbanba, hiil iyo hooba u ula socdo dhaq-dhaqaaqa laascanood, isla markaana wixii dhaawac si joogta ah la soo qaado iyado hadana taakuleynta dadka qaxay ay u fidyaan gargaar wacan oo wax ku ool ah .. Xasan wuxuu yiri ishaa macalin ah oo reer Sool waxay raban baa mustaqbal-kooda ku dambeynaya ee Reer Sooley haddi aan la geeriyoon Gugu waa da'ayaa in shaa-alaah