Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Turkiyey Nasiibkaa .. Mucaaradki Hadey Nafti Ka Sii Khiikh Leedahay .. Geesigi Dad-Yaqaanka Ee Urdogaan Mee Ceynaanka Ha Qabte .. Oohint Iyo Baroorta Reer Galbeed Oo Soo Fargaliyey Doorashada Turkiga

Saturday - May 13, 2023



Maalinta berri ah wadanka Turkiga waxaa ka dhacaayo doorashada guud ee dalka, Doorashada sanadkaan waxay ka badalan-tahay doorashooyinkii hore ee la soo dhaafay, weeyna ka xamaasad badan tahay .. Sida la wada ogyahay, 20-kii sano ee la soo dhaafay doorashooyinka dalkaas waxay ahaayeen kuwa aan sidaas u buurneyn balse tan berri wey ka duwan tahay .. Doorashadda waxaa ku tartamaaya Erdogan oo ka socda xisbiga talada hayo ee "AK Party" Iyo Kamal Kilishdaar Ooglu oo ka socda "xisbiga CHP" labadaan nin waxay horay ugu tartameen ilaa 5 Doorasho balse su’aasha waxay tahay maxaa is-bedalay sanadkaan

 Doorashadda sanadkaan waxaa ku tartamaayo labbada nin ee aan kor ku xusay ee Erdogan iyo Kamal Ooglu balse doorashadda waxay ka dhaxeysaa Saaxiibkii hore ee Erdogan Ra”iisul Wasaarihiisa hore ahna Wasiirkiisa Arrimaha Dibada Axmed Daa’uud Ooglu oo ah shaqsiga tiir dhexaadka u ahaa Siyaasadii Erdogan ee 20 sano ee la soo dhaafay .. Axmed Daa’uud Ooglu waxay Erdogan isku dhaceen sanadkii 2016 waxuuna xiligaas ahaa Ra”iisul wasaaraha dalkaas, 

Hayaankii Axmed Oogle uu iskaga hayaamay xisbiga AK Party waxay dhabar jab weyn ku noqotay guud ahaan Xisbiga AK Party ee Erdogan ka tartamo .. Arrinka dhabar jabka ku keennay Erdogan iyo Xisbigiisa AK party waxuu salka ku haayaa afkaarta ka jirta bulshadda Turkiga dhexdeeda taas oo ah Cilmaaniyiinta iyo Islaamiyiinta.

Ahmed Daa’uud Ooglu waxuu bilaabay abaabul uu iskugu diyaarinaayo inuu la dhigto Erdogan iyo Saaxibadiis hore ee AK Party balse mar dhaweyd ee uu Erdogan kaarta bedashay oo uu Doorashadii dalka soo horumariyay ayuu isagana dib u gurasho sameeyay, waxuu isla markiiba abaabulay xisbiyadda dalka ka jira oo dhan waxuuna ka gaday fikir ah in AK Party iyo Erdogan la isku baheysto doorashadana lagu galo is-baheysi .. Codadka taageerayaasha xisbiyadana la aruuriyo sidaasna hal Musharax loogu tanaazulo, balse xisbiyada iney kuraasta Xildhibaanada, Maayarada iyo Golayaasha deegamada in xisbi ahaan loo tartamo oo Xisbi Walbo musharaxiintiisa soo tartamaan.

Fikradaas oo aheyd mida kaliya ee looga hortagi karo Erdogan waxaa fursad u arkay Reer Galbeedka oo in badan gacan saar la lahaa Xisbiyada kale ee ka soo horjeeday Erdogan iyo Islaamiyiinta, halkaas waxaa lagu dilay Axmed Daa’uud Ooglu iyo damaciisa, isbaheysigii xisbiyada waxay isku raceen in loo tanaasulo Kemal Kilishdaar Ooglu.

Dadka falaanqeeya Siyaasada Turkiga waxay u badinayaan in Erdogan si dirqi ah ku adkaan-doono doorashada sanadkaan maa-daama taageerayaasha Daa’uud Ooglu ee islaamiyiinta ah aysan marnaba Cod siineynin shaqsi aaminsan afakaartii cilmaaniyada ee Ataturk.