Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Rag Cadaalad Waayey Sidi Cawsha Kala Yaac .. Muuse biixi Oo Diiday In La Qisaaso Dablihi Dilay Taliyihi Lowyacdo

Monday - May 15, 2023




Hargeysa- Borame- Wararka ka imanaya magaalada Boorama ayaa sheegaya in madaxda dhaqameedka Awdal ay la xiriireen madaxweyne Muuse Biixi si loo fuliyo qisaaska askarigii dhawaanta ku dilay taliye ku-xigeenkii ciidamda Lowyocado .. Dable Axmed Cabdi Cabdillaahi ayaa ay maxkamadii labaad dhawaan xukun Dil ah ku riday, isla markaana goaankoodii hordhigay Muuse Biixii.

Madax-dhaqameedka Awdal oo daba socda go'aanka labaad ee maxkamada ayaa xiriir la sameeyay Muuse Biixi kana dalbaday in loo qisaaso gacan ku dhiiglaha, hasa ahaate Muuse Biixi ayaa dalabka reer Awdal ku gacan seeray isla markaana faray in ay aasaan marxuum taliye Khadar Maxamed Caynaanshe ay aasaan si dhakhso ah.

Madax dhaqameedka Awdal oo amakaaga ka qaaday hadalka Muuse Biixi ayaa la sheegay in ay haatan wadaan wadatashiyo ay uga jawaabayaan tilaabada Muuse qaaday .. Qoyska marxuum taliye Khadar Maxamed Caynaanshe ayaa tiro dhawr jeer ahba diiday in ay qaataan mag iyo laaluusha xad-dhaaf ah oo lagu badbaadinayo gacan ku-dhiiglaha.

Sida aanu hore loo baahiyey waxa Gacan ku dhiiglaha uu u muuqdaa in uu kafaalo qaad ka heyso madaxtooyada isla markaana aan sinaba loo qisaasi-doonin, waayo xogo ilo kala duwan laga helay marxuumka eheladiisa ayaa tibaaxaya in dilka taliye xigeenkii ciidamada Badda ee degmeda Lowoyocade Sarkaal Khadar Maxamed Caynaanshe uu ahaa mid qorsheysan oo Madaxtooyada Somaliland lugaha la galay.

ILo wareedyado qaarkood waxay sheegeen in Madaxtooayada Somaliland ay amartay dilka si xogtaa loo xafido, waana sababta aan ilaa haatan loo qisaasin gacan ku dhiigle Dable Axmed Cabdi Cabdillaahi .. Warka ayaa intaa raacinaaya in Beesha Marxuum taliye Khadar Maxamed Caynaanshe ayaa ilaa haatan la sheegay in la doonayo in lagu cadaadinayo Qaadashada Magta sarkaalka bareerka loo dilay.

Xogta uu marxuumku ogaaday ayaa la sheegayaa in ay la xiriirto Hub dhawaan ciidamada Muuse dalka soo geliyeen oo aan la dooneyn in cidi ogaato .. Geesta kalena, gacan ku dhiigle Dable Axmed Cabdi Cabdillaahi iyo beeshiisa ayaa iyaguna ku adkeysanaya in aan laga bixi-karin balantii iyo amarkii uu dilka ku geystay, isla markaana diiday qisaasta ay dalbanayaan marxuumka reerkiisa.

Xogta lagu dilaye taliyaha ayaa hadii la soo bandhigo balaarin kareysa masuuliyada xadgudubyada dalka ka dhacaya iyo la xisaabtanka cid walba oo la ogaado in ay ku lug leedahay.

Si kastaba ha ahaatee, shacabka reer Awdal oo arikan ka gadooday ayaa sababi-kara dab la mid ah ka haatan ka aloosan Sool, kaas oo soo gunaanadi kara xukunka Muuse Biixi.