Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Xikmadi Rasuul-keena Maxame CSW .. Daawada Jaahil-nimada Waa Inaad Wax Su'aasho

Tuesday - May 30, 2023




Taariikhdi Ballaarneyd ee xikmadihi Rasuulkeena Maxamed SCW, kuma soo koobi karo halkaan, hasa-yeeshe waxaan qormadaan kooban ku soo qaadaya dhawr xikmad dhaxal-galkiisi ee rasuulkeena Maxamed , kuwaaso qiimaha iyo hanuunka darteed ka mid noqday dhaxalka Aadamaha ee xitaa aan islaamka ahayen, tusaalo u soo qaata laguna daraasadeeyo Jaamacadaha ugu waaweyn aduunka.

Nabi Maxamed CSW Ayaa Yiri: Dawada Jaahilnimada Waa Inaad Wax Su'aasho .. Arag ayuu yiri: Marka Aad Aragto Qof La Siiyay In Ka Badan Inta Aad Heysato Lacag iyo Quruxba Fiiri Kuwa Aan La Siin Labadaba. 

Sido Kale Rasuul-keeni Scw Wuxuu Yiri: Muslimku Ugama Tago Muslim Kale Caawinaad La'aan Xilligii Uu U Baahnaa

Rasuul-keenna Scw Wuxuu Yiri: Way Dhowdahay Maalinta Aakhiro Waqtigu Wuxuu Ku Gudbi-doonaa Si Deg-Degsiimo Ay Ku Jirto, Sanadku Wuxuu U Muuqan Doonaa Bil, Bishuna Isbuuc, Isbuucana Maalin, Maalintana Saacad. 

Rasuul-keeni Maxamed Scw Wuxuu Yiri: Guryaha Guriga Ugu Fiican Waa Guriga Ay Agoontu Ka Helaan Jaceyl iyo Naxariis .. Akhristow Igula Wada Salliya Xabiib-keenna Maxamed Scw.