Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Is-Yeel-Yeelka Muuse Bixi .. Iyaba Waa Yaabe Muuse Oo Is Leh Waxbaad Ku Soo Jiidan-karta Waa Maxay Waxa Saleemaan Kore Soo Kordhin-Waayey Ee Raage Cabdi Qani U Soo Kordhin-Karo S/land

Thursday - June 1, 2023




Sida guud ahaan bulshada somali wada qabto xalka Laascaanood casuumaadda Raage Cabdi-Qani kuma jiro .. Dad aanay waxba ka go’in in kolba meel la soo tubo, xilal loo magacaabo, dabeedna taasi ay sii fogeyso rajo kasta oo laga qabay in lala xaajoon-karo dadka taladu ka go’do,

Al-Xaqiiqa, waa dhaqan-siyaasadeed-ka iyo fashilka hoggaamineed ee deegaankaa lagu wajahayay 16 Sanno, kolka laga yimaado Ahmed-siilaanyo oo Khaatumo la xaajooday, walow haddana heshiiskii uu Xashiishka ku daray Muuse Bixi

Muuse ha la xasuusiyo xalka deegaankaasi SSC, wax kasta ay yihiin waxa uu markasta ku jiraa Raga taladu ka go’do oo lagala xaajoodo xalka dhow iyo kan dheer labadaba. Wax kasta oo aan taas ahayni wax ay Somaliland ka halaaba mooyaane wax Alle wax ugu soo kordhayaa ma jiraan! .. Raage, kama duwana Saleebaan Cali Koore Iyo Faratoon ee Shacabka SSC ha is-dajiyaan .. Faratoon iyo Barasaabka aan huteelada Hargeysa dhaafin, haddana bulshada SSC ku isman! Waa maxay waxa kuwaasi ay soo kordhin kari-waayeen ee Raage uu soo kordhin-karaa? .. Waar ilaa goorma ayey Somaliland is-yeel-yeelkan ku jiriyaan?