Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Sheeko Xanuun Leh .. Nin Ka Sheekeeyey Sida Ay Waalidki U Tuureen Marki U Dhashay Xanuun U Qabay Darteed

Friday - June 2, 2023




Ninka magaciisa la yiraah Jono Lancaster oo 37 jir kana soo jeeda magaalada galbeedka Yorkshire ee boqortooyada Ingiriiska .. Ninkaas wuxuu ku dhashay xaalad afka sayniska loo yaqaan "Treacher Collins" taas oo ah cudur hidde-side oo qofka Wajigiisu noqonayo mid aan si caadi ah u samaysmin. Waana taas sababta ay waalidkiis u xooreen markii uu dhashay.

Jono oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in uu akhriyey qoraal ka sheekaynaya sida ay Waalidkiis uga tageen markii uu dhashay .. Jono Lancaster wuxuu yiri: Waan fariistay waxaana akhriyey qoraalladan, waxayna sheegayaan in markii aan dhashay ay Waalidkay ka argagexen muuqaalka Wajigayga

Labadii Waalid ee dhalay Jono Lancaster, ayaa ka tagey 36 saacadood uun ka dib markii uu dhashay, ka dibna waxaa qaadday oo nuujisay Jean markii uu Laba Toddobaad uun jiray.

Xaaladda Jono ayaa ah mid uu ilmuhu ku dhalanayo isaga oo aanay jirin Labada Lafood ee dhafoorrada loo yaqaan ee ku yaal indhaha hoostooda, taas oo sida muuqata Wajiga qofka ku yeelanaysa saameyn qaab dhismeed.

Jean waxay si sharci ah u korsatay Jono ilmaheedana uga dhigatay markii uu Shan Sanoi jir ahaa, "wey i nuujisay aniga oo markaas Laba isbuuc oo kaliya jira, markii aan Shan Sano jir gaarayna si rasmi ah ayey ii diiwaan gelisay ilmaheeda ahaan" ayuu yiri .. Jean ayaa noojin jirtay isla markaana korsatay caruur kale oo qaba xanuuno kala duwan, wuxuuna Jono ka mid ahaa caruurtaas.

Jono Lancaster oo dib u xasuusanaya noloshiisii dugsiga ayaa sheegay in uu xasuus fiican ka haysto xilliyadii uu dhiganayey dugsiga sare, balse xasuustaas waxaa la koray aniga oo isku dayaya in aan ka mid noqdo bulshada, ayuu yiri.

Ciyaalka isaga ka weyn ayuu sheegay in ay hoos u eegi jireen iyaga oo xitaa ka sameeyay heeso aan wanaagsanayn oo qalbigiisa dhaawacaya.

Markii uu qaan gaaray Jono ee kuwii jilkiisa ahaa ay xiriirro samaysteen isagana uu damac xiriir galay ayuu sheegay in taasi aysan suurta-gelin wejigiisa awgii wuxuuna yiri: markaas ayaan bilaabay in aan wejigayga naco.

Jono waxaan bilaabay ayuu yiri bal inaan xasuusto Waalidki ii dhalay isaga oo sida uu sheegay nacayb u qaaday Labadii Waalid ee dhalay .. Waxaan doonayey ayuu yiri in aan u xanuujiyo sida aan qalbiga uga xanuunsanayo oo kale .. wuxuu yiri waxaan dhab ahaantii galaa xanaaq daran marka aan soo xasuusto Labadii i dhashay.

Jona wuxuu hadda qorayaa buug uu kaga hadlayo noloshiisa iyo dadkii ku lugta lahaa .. Dhanka kale Jono wuxuu donayey in uu helo Waalidkiis si uu ugu sheego in uu fiican yahay farxadna dareemayo. Wuxuu u qoray Warqad, Laba Toddobaad uun kadibna waxaa soo gaaray warqad jawaab ah oo ay ku qoran tahay: "Ma doonayno wax wada xiriir ah. Isku dayga xiriir ee aad samayso waa la iska indha tiri doonaa"  Waxaana ku saxiixnaa warqadda sida uu sheegay Jono labadiisii Waalidba .. “Mar kale in ay labadan waalid iska kay fogeeyaan  ayaa aad ii xanuujisay,” ayuu yiri.

Jono wuxuu hadda qorayaa buug uu ugu yeeray "Not all Heroes ware cap" (yacni halyey waliba koofi ma xirno) oo ah oraah loo adeegsado dadka abaalka weyn gala ama xaaladaha adag ka soo gudbo ee aan la buunbuunin. Sannado ka hor ayaa mar la iga codsaday in aan hadal jeedin u sameeyo caruur dugsiga dhiganaysa, qaarkood ayaa igu soo orday waxayna i dheheen: "Jono hooyaday iyo Aabahay ma aqaan, Jono waxaa la igu takooray sidan iyo sidan, waxaana halkaas ku go’aansaday in aan arrintan wax ka qabto, ayuu yiri Jono oo ka hadlayey waxa ku dhaliyay in uu buug qoro.

Wuxuu ku saabsan yahay buugiisu qaar ka mid ah dadka uu la kulmay noloshiisa oo uu halyeeyo ku tilmaamay iyo sida isaga qudhiisu uu u noqday halyey.

“Runtu waxay tahay, in noloshayda uu jacayl ka buuxo,” ayuu yiri Jono Lancaster, ilmaha ay waalidkiis ku neceen qaab muuqaalkiisa balse hadda ah mida ay ku daydaan dad badan.