Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Arraweelo Baa Tiri "Maantana Far Baan Mayrayaa Ee Ha ii Fadhiyo Geelu Oo Golon-golki Hal Dhiiqda La Waayey .. Xasan Shiikh Isna Ma Far Bu Dhaqaya Oo Soo Kan Garaadadi Caashaqa Iyo Dheedhelka Ku Haya

Monday - June 5, 2023




Waxaa jira Guux, Laab la kac iyo hadal hayn badan baa ka jirta geyiga guud ee somaliya taaso looga hadlaayo go'aamada u madaxweyne Xasan Shiikh mustaqbalka ka qaadan-doono xaalka Laascaanod ka taagan, iyado si gaara loo dhawraayo ifafaalaha natiijada ka soo baxda Garaadada gogosha u taala mogdisho iyo la kulankooda Madaxweyne Xasan Shiikh .. Garaadada SSC oo la soo baxay miciyo Abeeso waxay u jilib dhigeen wixii ay meesha mogdisho keeneen jawaabteeda, iyadoo Xasan Shiikhna u intaa ku hayo iga war dhawra

Sida la carbaabaayo madaxweyne Xasan Shiikh oo maal-mahaan ku jira jawiga aamusnaata iyo isago sidi Xaajadi Araweelo ku dhaqmaya ee Tiri "Maanta Far baan Mayrayaa ee Hay fadhiyo Geelu dabadeedna inta Geeli golon-golay Hal dhiiqda laga waayey ..   Xasan Shiikh waxaa hor-yaala laba arimood midkood oo taariikhda lagu dhaabi-doono, kuwaaso kala ah: 

1- inu inta dhabta arko isku xishoodo dabadeed si toosa u aqoonsado maamulka SSC isla markaana isaga ama guddi federaal ah ay ka qayb galaan xaflada ka dhici-doonta Laascaanood ee lagu maamuusaayo calemo saarka Khaatumo State oo halkaas ku gunto wanaaga ku gawraco shakiga iyo xumaanta, oo hadhow taariikhda halganka midnimada somaliya ay u dhigto buuga loogu dhigi-doono amase madaxiisa Taaj la saari-doona, lana oran-doono Halyey Qaran jira oo jooga, taaso laga yaabo iney saameyn ku yeelato doorashadiisa dambe oo markale la doorto

Tan 2-Aad: Oo ah inu ku hawlan-yahay camal xaasidnimo oo halkaas Naftiisa ku Gabo, Qosol beena iyo xishood la'aan u soo tafa-xeyto oo dabadeed diido aqoonsiga maamulkaas, oo halkaas marka dambe taariikh ahaan lagu Shaabadeeyo inu yahay madaxweynihi ugu horeeye ee taariikh soomaaliyeed soo mara ee ogolaada kala qaybinta dalka Somaaliya, balse xitaa bar madow ku noqota isaga gaar ahaan iyo waliba wixii ku fir ah .. isla markaana laga qabsado Bisinka oo Gabal iyo Habeenba iyo Waaga feyta Cay iyo Habaar laysu raaciyo, oo markaas Somali oo dhana ay gar noqoto iney baroor-diiqaan .. Arintu si kastaba ha ahaate hubsiimadu waa hub la isku difaaco oo koleyba sida la sheegaayo saadaashu ma xuma ee Allaha Wax Ha fududeeyo