Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Siyaasada Ameerika Ee Ku Dhisan Cawboy-ga " Kill Or Be Killed" .. Mareykanka Oo La Ogaaday Inu Ka Hiiliyey Farmajo

Tuesday - June 6, 2023




Sanad ka hor, intii lagu guda jiray qabashada doorashada heer madaxweyne ee Soomaaliya, waxaa jiray muran xooganaa oo ka dhashay hannaanka loo qabanayo doorashada Soomaaliya, kaas oo mararka qaar isku badalayay gacan ka hadal dhexmara dhinacyadii is hayay.

Go’aanka dawladda Maraykanka iyo halka ay ka istaagto go’aamadii ay qaadaneysay dawladdii madaxweyne Farmaajo ayaa ahaa mid saameyntiisa leh oo jaangoynayay halka loo jihaysanyo. taas waxay keentay in qaar kamid ah taageerayaasha madaxweyne Maxamed Farmaajo ay ku eedeeyaan dawladda Maraykanka in ay xagaldaacisay qorshaha madaxweyne Farmaajo.

 Sanad kadib safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Larry André, ayaa la hadlayay BBC. Waxaan wax ka waydiinay waxa ka jira in ay ka horyimadeen madaxweyne Farmaajo waqtigii doorashada.

Larry ayaa yiri: “Cadaadisku wuxuu madaxweyne Farmaajo ka haystay dhinaca dastuurka, wuxuu aad ugu dib dhacay muddo xileedkiisii” .. Sidoo kale wuxuu sheegay in dawladda uu matalo ee Maraykanka iyo guud ahaan wadamada kale ee calamka ay ku boorinayeen madaxweyne Farmaajo in uu qabto doorashada oo si weyn uga dib dhacday xilligeedii.

Larry wuxuu intaas ku daray in baalmaridda dastuurka ku-meelgaarka ah ee Soomaliya ay si qayrul-caadi ah u cuuryaaminaysay dawladnimada Soomaaliya. wuxu yiri: "Khad Cas ayay u tahay Soomaaliya, baalmarista dastuurka, waa waddan tobanaan Sano ku soo jiray fawdo iyo gacan ka hadal".

Balse maamulka Farmaajo wuxuu dhankiisa ku dooday in uu doonayay inuu hirgaliyo doorasho Qof iyo Cod ah, baarlamaanka Soomaaliyana ay ansixiyeen muddo laba sano ah, oo maamulkiisa loo kordhiyo, dawlad goboleedyaduna caqabd ku noqdeen in doorasho Qof iyo Cod ah dhacdo.

Markii ugu horeysay ee ay is arkaan danjire Larry André iyo madaxweyne Farmaajo, waxay ehayd sanadkii 2020 kii, xilligaas oo uu Larry ahaa safiirka Maraykanka u fadhiya Djibouti. Sida uu sheegay Larry. xilligaas waxaa Djibouti ka dhacayay wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya.

Waqtigaas kadib Larry waxaa loo magcaabay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, wuxuu waraaqihiisa aqoonsiga u dhiibay madaxweyne Farmaajo oo ka aqbalay. Kulankaas, waxay wadayeesheen wadahadal isbarasho ah oo fikrado ay isku waydaarsadeen.

 Larry wuxuu yiri: “waqtigaas ayaan u cadeeyay [madaxweyne Farmaajo] in ay qatar tahay in la dhaafo muddo xilgeedka ku xusan dastuurka ku-meelgaar ah ee Soomaaliya”.

Dhinaca kale Larry iyo ra’iisulwasaare Rooble waxaa ra’iisul wasaare Rooble uu sameynayay wax allaala iyo wixii uu karay, isaga oo adeegsanaya awoodiisa si uu u hormariyo hanaanka doorashada, inkasta oo aan la hadlaynay madaxweynayaasha dawlad goboleedyada”.