Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 July 2024

Akhrista-yaasha Qaaliga Ah Jimca Mubaarak .. Hadde Ogow Arsaaqada Waa Laba Nooc: Waa Mid Aad Raadsaneyso Iyo Mid Iyadu Ku Soo Raadsaneyso

Thursday - August 24, 2023





Jimca Wanaagsan .. Sida la wariyay, Imaamu Maalik oo Macallin u ahaa Imaamu Shaafici ayaa isagoo Sharxaaya Xadiithkii Rasuulka CSW ee ahaa: Haddii Aad Alle U Talo-saaran Laheydeen Si Dhab ah, Wuxuu idiin Quudin Lahaa Sidii Shimbiraha .. Shimbiruhu wey Kallahaan iyaga oo Gaajeysan, waxeyna soo Hoydaan iyagoo Dheregsan.  

Hasa-ahaate Imaamu Maalik wuxuu sheegay in uu Xadiithkan ka fahmay iney Arsaaqaddu u baahan tahay in aad Alle talo-saarato oo eysan qasab aheyn in aad Shaqeysato.

Imaamu Shaaficina oo isagana fahamka Imaam Maalik ka daba qaatay: wuxuu ku dooday in ay khasab tahay in uu Qofku Shaqeysto oo sababtii la yimaado, oo haddii eysan Shimbiruhu Subixii Kallihin aysan Maalinkaas Cunto heli-doonin.

Imaamu Shaafici oo Wiil yar ah oo ay dooddii ku taagan tahay ayaa maalin maalmaha ka mida Waddada kula kulmay Haweeney waayeel ah oo jawaan Timir ah Xambaarsan, ka dib Haweeneydii ayuu ka qaaday Xamuulkii cuslaa aay waday. kadib Markuu guriga u geeyay ayey Haweeneydii soo siiyay xoogaa Timir ah, ka dibna isaga oo Timirtii sita ayuu Imaamu Maalik u yimid, wuxuuna uga Sheekeeyay sidii uu ku soo helay Timirta, wuxuuna dooddiisii u Cuskaday inuusan Timirtaan maanta heli-laheyn haddii uusan Shaqeyn oo uusan Haweeneydaas jawaanka u qaadin.

Imaam Maalik inta Qoslay, ayuu Afka ku ritay Xabbad Timir ah oo uu Shaafici ka qaatay, wuxuuna ku yiri "Shaaficiyow oo hadda Timirtaan aan Cunay ma anigaa raadsaday? Soow iyadu Fadhigeyga iiguma imaan.

Aragtida Shaafici ayaa inta badan la xoojinayaa, waxaase dooddan kulminaya hadalkii Cali ibnu Abii Daalib ee Nuxurkiisu ahaa: Arsaaqaddu waa Laba Nooc:- Waa Mid Aad Raadsaneyso iyo Mid iyada ku Soo Raadsaneysa \.
Irsaqa ay tahay inaad Adiga Raadsatid heli-meysid haddii aadan Shaqeysan oo aadan Qaraaban-tegin, kan ku soo Raadsanaya isaga ayaa kuugu imaanaaya Meel kasta aad  joogtid.