Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 July 2024

Waa Yaabe Waa Rag Aan Aakhiraba Maqlin .. Allahayow Ragi Galay Dambiga Urug La Taahi Ee Dadow Ducada Aamiin .. Gabar 11-Jir Lagu Dilay Xaafada 13-Aad Ee Jigjiga Kadib Marki Si Wadareed Ah Loo Kufsaday

Tuesday - August 29, 2023




Gabadhaan oo lagu magcaabo Faadumo Ugaas Carab ayaa lagu dilay xaafadda 13aad ee Jigjiga .. Gabadhaaso Isla markii isbitaalka la geeyey ayey dhakhaatiirtu waxay xaqiijiyeen inay geeriyootay gabadha yar aysan noolayn.

Ugaas Carab oo ah gabadha aabaheed wuxu sheegay in Ragga falkaas gaystay ay ahaayeen shaqaale isaga u shaqaynayey meel alaabta Mobilka lagu sameeyo ayaga ayaana Tuhunku galay oo boliska ayaa iminka afar nin gacanta ku haya, halka mid u baxsaday ayuu odagi yiri

Oday Ugaas Carab ayaa intaa raaciyey inuu cadaalad doonayo, wuxuuna si adag dawlada uga codsaday  in cadaalad loo raadiyo falkaas foosha xun ee gabadhaas loo geystay

Dhunaca kale Saraakiisha Komishinka Booliska DDS, ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu soo dhigay sharcigana la horkeenayo 4-ta-nin oo gaystay falka kufsi wadareedka iyo dilka ah u gaystay gabadh yar oo aan wali qaan gaarin .. 4-Ta nin ayaa gabadha yar kufsaday kadibna dilay waxaana gacanta ku soo dhigay ciidanka amaanka.

Wararka magaalada Jigjiga naga soo gaaraya waxay sheegayaan in maanta ay ka jirtay caro xoog leh, taasoo keentay in dawladdu ay uruuriso dadka ka soo jeeda qowmiyadaha kale si aan dhibaato loo gaarsiinin .. Waxaa kale oo ay wararku sheegayaan in xaafadda ay deganaanyeen gabadha geeriyootay iyo reerkeeda ay ka dheceen rabshado dhex maray dad caraysan iyo booliska.