Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 July 2024

Jimca Wanaagsan IYo Barakadeeda .. Qiso Gabar Ku Umushay Lix Bilood Oo Dood Badan Ka Dhalatay iyo Qiilki Loo Helay

Thursday - September 7, 2023




Zaman Hore, Gabar ayaa la Guursaday Uurna waa yeelatay, waxeyna Umushay Lix bilood oo keliya markaas ayey Dadkii u Maleeyeen in Gabadhu ay Khiyaantay Ninkeeda, sababtoo ah sida badan Dumarku waxay ku Umulaan Sagaal bilood ama Toddoba bilood .. Dabadeedna muran iyo dood ka timid Arrintii ayaa loo sheegay Khaliifkii Mu'miniinta ee Xilligaasi Cusmaan ibnu Cafaan, hase ahaatee Imaam Cali oo cilmi alle u dhiibay ayaa yiri:- Waa suurtogal iney gabar ku dhasho Lix  bilood, wuxuu kaloo yiri: Allaah wuxuu quraanka aayadiisa ku yiri:- (Sididdiisa iyo Naas Nuujintiisu waa Sodon bilood).

Micnaha Aayadu waxey tahay intuu ilmuhu Uurka Hooyadii ku jiro iyo inta la Nuujinaayo Naaska Hooyada waa Sodon bilood .. Halka uu Allaah Aayad kale uu ku yiri:- (Hooyooyinku ha Nuujiyaan Ubadkooda Laba sanadood). 

Sidaas awgeed Labada sano waa Afar iyo Labaatan bilood, waxaadna ka jartaa Soddonkii bilood: 
30-24=6, markaa waa Suurta gal iney Gabadhu ku dhashay ilmaha Lix bilood.