Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 July 2024

Xikmadi Iyo Awoodi Xukun Ee Garaad Wiil-Waal .. Sheeko La Xariirta Garaadka Wiil-Waal Oo Garashada Odayaasha Beeshiisa Dhudhumiyey .. Iyo Gabar Ka Garad Wanaag-sanaatay Odayaashi Beesha

Saturday - September 9, 2023




Xilli lagu qiyaasay qarnigii 16-aad ayaa waxaa jiray boqor Soomaaliyeed oo la oran jiray Wiil-Waal. Waxaa lagu sheegay inuu ahaa nin xukun adag xikmadse badan  .. Wuxuu ahaa hoggaamiye cimrigiisa badankiisii ku idlaystay duulaan iyo difaac joogta ah oo tolkii kula jiray qabiilka Gaalla degaankaa muddo gaaban ka hor ka talinaysay.

Nin dadka aad u imtixaana oo isku daya inuu qof walba garashaddiisa dhudhumiyo ayuu ahaaye .. maalin maalmaha ka mid ah ayuu Shir weyn wacay oo uu isagu yeeray odayaashii beesha. Wuxuu codsaday in nin walba oo soo gaari-kara shirka yimaado. IL-laawe iyo Lug-laawe kol ay ku tahay, Bartire wixii akabaabiga ka dhawaa ayaa isu yimid. .. Af-niijiye (qof dadka warka gaarsiiya siddii makarafoonkii) ayuu idmay oo intuu shirkii ka dhex kacay faray in nin walba gurigiisii ku noqdo, shirka barrito la isugu imanayana uu keeno "cadka rag walaaleeya". Raggii shirka yimid oo yaaban oo war tolow maantana muxuu arintan cusub uga jeedaa is leh ayaa dib u geddoomay.

Way shireen oo war Rag talo kama dhamaatee muxuu Wiil Waal raadinayaa is weydiiyeen! Cadka Rag walaaleeya ayaa in badan laga dooday .. Muxuu yahay mase jiraa? Si guud iyo gooni gooniba Raggii way u shawreen hase ahaatee dhakafaar ayey ka qaadeen in kasta oo ay arinta sii rogrogaan. Ninba ninkuu garasho ku tuhmayey ayuu dhinac ula baxay oo war maxay kula tahay warsaday. "Maantana maxay noqon siddii, Muxamed loo yaabye" ayuu xaalkoodu ku sifoobay. Markii ay isku daaleen wax ur ahina u bixi weyday ayey ku kala faarumaysteen war bal faq iyo gorfeyn waxba ku soo saari weynayee, nin walba iskii ha uga soo fakaro arinta, cadkii uu ka badin waayana barito ha keeno.

Aqaladdoodii haddii ay tageen wuxuu nin walba reerkiisii warsaday in neefka adhiga ugu shilis la gawraco hilibkana si cajiib ah loogu sameeyo. Nin walba wuxuu si gooni ah u codsaday cadkii uu islahaa ragga ayuu walaaleeyaa. Midbaa codsaday in garabka loo diyaariyo, midbaa codsaday in sararta loo diyaariyo, mid kalaa codsaday daqayda, midba cad gaar ah ayuu codsaday.

Waxaa raggaas la xujeeyey ka mid ahaa nin cayr ah oo aan bar adduun ka nixin tobaneeyo neef oo Ari ah mooyee, caruur rajooyin ahna korsada. Aabe mutaxan ama ‘single father’ ayaa dhici karta in dadka qaarkii u yaqaano ninka noocaa ah. Caruurtaa waxaa ugu weynaa gabadh 16 jir ah oo la wariyey inay qurux iyo qiimaba bogcad cidla ah u taagnayd. Gurigiisii ayuu tagay odaygii wuxuuna gabadhiisii faray inay gawracdo sabeenta neefafkooda ka dhaqaaqaysa. Ee aabo, miyaad waalatay cayr ayeynu nahay ee miyuu inaga baxaa neef aan gawracno maanta, maxaadse sabeenta arigaba laga qaato ku maagtay, ayey weydiisay. Aabo miyaan khayaar leeyahay saw Wiil Waal raggii ma amrin inay sidaa yeelaan, waynu ku qasbanahay ee aabo sarakac oo durduri, ayuu ugu jawaabay. Way u muuqatay danyaraanta gabadhu ka calaacashay laakiinse wuxuu laabta ku hayey cirib xumada ka dhalan karta amarka Garaadka oo uu ka madax-adaygo ileen "Askar amar ka diidaa kornayl waa Allow sahale".

Sabeentii ayaa la xalaaleeyey. Markii la diyaariyey ayuu odaygii kala doordoorasho galay isagoo kolba cad qaadaa-dhigaya oo leh tolow ma kanaa mise waa kaa. Ugu dambayntii ayuu doortay bawdo oo uu yiri tanaan la tagayaa? Gabadhii ayaa mar kale la yaabtay aabaheed oo su’aashay xaggeed geynaysaa aabo? Garaadka ayaa na faray in nin walba shirka la yimaado "cadka Rag walaaleeya" sidaa awgeed waa inaan Bowdadan qaadaa aad bay iila buuran tahay una malayn-mahayo in cid mid ka wanaagsan keeni karta ay jirto, ayuu ku juwaabay. Wax Alla wuxuu uga jeedo garanmahayo, laakiin jid kale iima furra inaan warka Garaadka yeelo ma ahee, ayuu isku dayey inuu gabadha ku qanciyo.

Gabadhii ayaa qadar gaaban aamustay oo ka fakartay xujada aabaheed iyo raggii kale ee Bartire haysata. Aamuskaa gaaban ka dib ayey tiri maya aabo ha qaadin cadkaa maxaa yeelay ma aha midka Wiil Waal doonayo! Odaygii ayaa ku adkaystay inuusan Cad aan kaa ahayn shirka gaynaynin. Gabadhii oo ku dadaalaysa in aabaheed xujada furo, ogna in cadkaa odaygu dadaabtay aanu ahayn kii xujada furi lahaa ayaa mar kale tiri maya aabo ha qaadin kaa. Anniga i kadbo oo waxaad qaadaa hunguriga! Hunguri!!! Odaygii ayaa amakaag iyo af-kalaqaad qabsaday! Ma anigaa shirka hunguri la taga, oo Garaadka waxaas oo xurmo darro ah u gaysta. Alla maxaad gabadhyahay waalan tahay anna inaad i waasho damacsan tahay.

Aabo aniga i aamin ma rabo inaan kuu sheego sababta maxaa yeelay Garaadka naftiisa ayaa kuu sharxi doona ee adigu Cadka Hunguriga shirka la tag, wixii denbi ah ee halkaa ka dhashana anigaa dusha u ridin doona, ayey tiri. Odaygii ayaa dhiiranaanta iyo isku kalsoonida gabadha yar ka muuqata la yaabay. Kolkaa ayuu cabbaar qadariyey fikraddeeda. Waxaa u muuqan waayey sababta yartu hunguriga u xulatay iyo inna wax hunguri dheer yahay cadadka kale. Wuxuu mar is yiri waa dhallaannimo iyo waayo aragnimo la’aan, laakiin isla markiiba wuxuu xusuustay in gabadhu caaqilad weyn tahay oo aan haba da’yaraatee talo ay soo jeedisay hadda ka hor lagu hungoobin.

Shirkii ayuu odaygii u dhalandhoolay. Wuxuu ugu tagay raggii amarka la siiyey oo mid walba Cad soo qaaday mid walbana ka kale ka qarinayo cadka uu door-biday. Way is fiirfiiriyeen, isfiirfiirin tuhun iyo Allow ceeb astur ku dheehan tahay. Wax yar ka dibna Garaadkii ayaa soo muuqday. Asalaamu calaykum? Wacalykuma salaam iyo waxay isku dareen ‘quumuu li sayidikum’ war Garaadka u sarajoogsada. Fadhiista idinkoo mahadsan nin walbana shaaca ha ka qaado Cadka uu soo saaray, ayuu si gaaban u ogeysiiyey.

Dhinacii odaygii miskiinka ahaa fadhiyey ma ahee dhinaca kale ayaa dhawaaqii u horreeyey ka yeeray, nin walbana daboolka ka rogay Cad aad loo soo habeeyey. Ma bowdaa, ma garabbaa, ma sararbaa, cadba cadkuu ka gashin wanaagsanaa. Odaygii ayaa talo ku ciirtay oo hamiyey in dhulku la go’o. Allow i xil furo mooyee erey kale ayuu afkiisu haleeli waayey. Wuxuu is yiri adiguba Bowdadaa hebel keenay oo kale unbaad la iman lahayd ee tii yarayd ayaa Alle kuusoo diray. War ileen talo isuma kaa sheegto iyo Alla caqligu xaasidsanaa ayuu hoostaa ka guray. Gabadhiisii ayuu hiifay ileen iyadaa usoo xambaarisay cadkan baasee. Hadal afka ka weyn iyo talo haween raace tagoogtuu ka jabaa iyo maahmaahyo la midab ah ayuu xusay.

Garaadkii ayaa weydiiyey: oday adna maxaad soo qaaday? Meel uu ka noqdo ma joogee wuxuu daboolka ka rogay hungurigii ka dib markay dhawr jeer gacantiisu dib uga noqotay. Talo dhabaqday! Wixii rag shirka fadhiyey ayaa mar kaliya af-labadii dhawaaqay. "War ninku miyuu waashay mise wuu soo wataa" ayaa gees walba ka yeertay. "Ma foolxumo intaa la eg iyo ixtiraamdaro heerkaa gaara ayaa Garaad Wiil Waal maanta loo geystay." "Lun adduunoow! Hunguri sideebuu madasha u keeni karaa!" Qaarkood haddii aysan Wiil Waal wajigiisa ku ixtiraamaynin gacantooda ayaaba gaari lahayd ninkan ay u arkeen inuu lama maqal lamana aragta dhigay. Odaygii oo awalba walbahaarsanaa ayaa sawaxanka ragga ka yeeray rucbi iyo naxdin hor leh u keenay. Hoos ayuu indhaha u rogay isagoo iska dhawraya in indhihiisa iyo kuwa Garaadku kulmaan. War ileen ceeb iyo caro naftu kaagama takariso!

Cabbaar ayuu Wiil Waal aamusay si canaanta iyo eedayntii shirku soo jeediyey u kala degto. Odaygii oo la yaaban waxa ragga kale afxumo kasoo baxaysa iyo aamusnaanta Garaadka ayaa isha ku biciriiriyey wajiga Wiil Waal. Mise wuuba dhoolla-caddaynayaa oo nin lagu gafayba uma muuqdo. Hubsiimo halbaa la siistaaye, dhawris labaad ayuu u celiyey mise qosol ayuu gaws-ka-gaws Garaadkii ka wareegay. Mar kale ayuu fajacay. Wixii madasha san-ku-neefle fadhiyey ayuu cid kale oo aan Garaadka ahayn oo nuuxsata ka waayey. Wuxuu is yiri ama waad yara khafiiftay ama waad riyoonaysaa ee sidani kolla xaqiiqo ma aha.

Cabbaar ayaa shib la yiri. Kolkii aamuskii yara dheeraaday ayuu Garaadkii hadalkii dib u furay. Wuxuu yiri, tolow i maqal, waxaa idinku jira oo kaliya hal nin wax caqli iyo garasho dhamaystirin Eebe siiyey. Laba ma aha, oo saddex ma aha, waa uun hal nin oo kaliya. Odaygii ayaa qaadan waayey oraahdaa. Isagoo dhakafaarsan ayuu Garaadkii sidaa u eegay. Wuxuu ka shakiyey in qawlka Garaadka afkiisa kasoo degay iyo ka dhagihiisu maqleen ay isku mid yihiin. Qalbigiisa ayaa rumayn waayey maqalkiisa.

Wiilwaal wuxuu ahaa nin aragti dheer sidaa awgeed dareenka wajiga odayga ka muuqda ayuu ka shakiyey oo is yiri see wax u jiraan! Wuxuu is yiri malaha odaygu fikradda maba keenin, xujadiina ma furin. Shakigaa dabadii ayuu hadal baaris ah kusoo tuuray oo yiri; saaxiib adigu fikradda ah inaad hunguriga soo qaado ma aadan keeninee yaa kuu sheegay? Odaygii ayaa madaxa xoqday. Maya, anigu, haddee, em! Tu yaroon dhalay oo aanan u ducaynin ayaa igula talisay ayuu ku jawaabay! Wiil Waal ayaa mar qudha haw fadhigii kasoo yiri oo dhammaan intii madasha joogtay soo jeediyey. Maya ayuu yiri idinkuma jiro hal nin oo caqli leh siddaan hore u sheegay ee waxaa idinku jirta hal gabar oo caqli u saaxiib ah. Hal gabar ayaa dhamaantiin idin dhaanta oo idinka aragti saraysa.

Sababtu waxay tahay idin ma weydiinin inaad hilib ii keentaan, waxaan idin weydiiyey in nin walba keeno cadka rag walaaleeya. Ma gaajo iyo cayrnimo ayaad igu ogaydeen ama igu tuhmayseen? Hadalkayga guntada, oo xikmadayda dhagaha u fura; Hungurigu Waa Cadka Rag ama walaalo ka dhiga ama cadow ka dhiga. Adduunku waa nin qatan oo indhaha ka xumbaynaya iyo mid quuta oo dibbiro la daaca qurunsan, hayste iyo ma hayste, taajir iyo faqiir mucsur qaawan ah.

Qatane quutuu rabaa inuu ka qaato ama la qeybsado, faaqiirna taajirka ayuu in ka daadso is leeyahay, ma haystane haystaha ayuu hunguriyeeyaa kolkaa ayey dhexdooda ka oogantaa oo ay dagaal iyo difaac tagtaa. Bal ii sheega, maxaa kale oo aan hunguri ahayn oo rag isu geeya? Waxse ka weyn oo kale oo rag walaaleeya bal ii sheega? Kalmado noocaa oo kale ah ayuu ku canaantay. Raggii cargaagtamay markii ay hunguriga arkeen ayaa marxabbayn iyo weeye wajiyadooda laga dareemay.

Sheekadii aan gunaanadee, intaasi markay dhacday ayuu Wiil Waal wajahay dhinacii odaygii. Wuxuu ku yiri hadal macnihiisu ahaa: gabadhaadu waxay ka garaad wanaagsan tahay dhamaan ragga halkan fadhiya. Qof rag iyo dumar toona u dhigma ma jirto, sidaa awgeed waxaan rabaa inaan kula xidido. Odaygii oo ay horay neefi uga soo booday ayaa waa-yahay waa lagu siin gabadha Garaad ku jawaabay.