Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Silsiladi Taariikhda Tanade Darood Dhagta Ka Fac-Dheer ishaadu Waa Kula Fil .. Qabiilo Asal Ahaan U Dhashay Reer Tanade/ Leelkase Ee Lumay Oo iminka La Helay .. Yuu Ahaa Boqorkii Ruwanda

Tuesday - September 12, 2023




 Waa Taariikh Banaanka La Keenay .. Taariikhda Qarsoon Aan Barano Iyada Na Tuseysa Sida Saxda ah .. Waxaa Waayahaan dambe saaxada Tanade/ Leelkase ka soo cusboonaaday arimo xaqiiqadeeda weligeed dad badan dafiri-jireen amase been iyo run la daadiyo kolba dhan isula dulaanto .. arimahaaso ku gaadaaman Qabiilo ka luntay beesha oo ay iminka raadin-tooda ka dambeeyaan kooxo aqoon-yahana ah iyo odayaal garad iyo ildeeri ku duugan-yihiin kana soo jeeda beesha oo taariikhda duuga ah dib u xasuusan, taaso inti mudaba mashruuc baaris taariikheed ku hawlanaa kuwaaso ku baado-goobaayey qabiilo iyaga ka mida oo ku lumay cararki iyo caga-cageynti colaadi dagaal lagu mooraduugay Qarnigi 15-Aad ee beeshooda

Dhacdadaas murugada lahayed oo lagu magacaabo "Ladiid iyo Lafa Tanade" oo sida la sheegay sababahaas dagaalka ku kala firdhay dunida dacaladeeda gaar ahaan dalalka Sudaan, Eretreya, Ruwaanda, Tanzania, itoobiya iyo Masar, iyado isla markaa qaar ka mida beeshaas Tanade ay ku dhex milmeen inta badan qabaaiilka arlada somaaliyed, waxaase amuurta lala yaabay ahayed marki boqorki Rowanda ee la oran jiray "Kigeli Dhurwa Nadahin" ee qabiilka Hutada inqilaabtay, isla markaana 20 sano Laaji ku ahaa Nairobi u rag ugu sheekeeyey inu asal ahaan ka soo jeedo isrka Daarood, marki la yirina yaad ka si tahay carabka ku dhftay reerka beesha Tanada daarood.

Boqorkaas oo aqoon la'aan ka haysay sida loo dalbado " Political Asylum" waxaa marki dambe caawiyey wiil reer Tanada/ Leelkase ah oo geeyey safaarada mareykanka ee Nairobi, dabadeedna markay arkeen inu xaq u leeyahay laaji-nimo waxay u dhoofiyeen cariga Mareykanka gaar ahaan magaalad Virginia, oo sida aan maqlay halkaas la dajiyey mudana ku noolaa, laakin iminka ma sheegi karo inu nool-yahay iyo inu geeriyooday midkey tahayba

Kooxahaan Reer Tanade ee Baarista wada oo raad raacay dagaaladi la isku dabar go'ay ee dhex maray boqortooyadi Tanade Xooga badneyd iyo is-bahaysigi is biirsaday ee ahaa Gaalo Madowgi "Gaala" Tigrey, Amxaaro iyo qabaaiilka Somaliyeed oo dhinac ahaa kana hortimi boqortooyadi arlada ka talineysay qarnigi 14-15 ee la oran jiray Boqortooyadi "Diiftire" .. boqorkaaso sida la cadeeyey ummadi carigaas ku nooleyd si araxan daro ah xukunkiisi shacabka ku kadeeday .. Sida la xusay dagaaladaas oo lagu halaagmay waxaa ugu dambeysti ku jabtay Boqortooyadi Diiftire, taaso keentay in lagu dhaanteeyo eryo la mida " Faqshti Tanade Wey Tagtay Ee Si Tukhaan-tukheya" kadibna gobti oo liicday ee ka soo jeeday Reer Tanade firxad ku galeen dhulal kale oo nabad galyo ka raadiyeen, balse qaarkood waxay u haajireen dhinacaas iyo Bada Cas.

Sida taarikhda lagu hayo Odagi Tanade, wuxuu dhalay 14 wiil oo magacyadooda kala ahaayeen:
1- Masadaan Tanade - 2- Akishe Tanade 3- Ceeleeye Tanade 4- Xariir Tanade 5- Yacquub Tanade 6- Jus Tanade 7- Suxuur Tanade 8- Cabdi Tanade 9- Daauud Tanade 10- Diinle Tanade 11- Garweyn Tanade
12- Dirir Tanade 13- Suleyman Tanade 14- Xildiide Tanade

Waxaa la ogaaday in firxadkaas intoodi badneyd ay ku soo magan-galyo doonteen xagaa iyo qabaaiilka degan konfurta iyo weliba dhinaca waqooyiga somaliya, kuna milmeen dadyoogaas .. illa haddana waxaa Raadkoodi la helay Reero Tanada ah oo ku dhex jira beelaha Oromada, Tolmoge-ogaadeen, qoomiyada Amxaarada, Tuni, Gare, Agoon-yar, Gaal jecel, isaaq, Galadi, Dabare, Xawaadle iyo Dagoodiya.

In Badan baa xaqiiqada laga dhuuntay oo qiiq la isku qarinaayey, balse dhawaanta sida muuqata waa la kala miir-midoonaa ..  Dhawaanta waxaa arlada degaanka Galdogob soo gaaray qabiilo Reereysan ku abtirsiinya iney asal ahaan ka soo jeedaan isirka beesha Tanade Daarood .. Ragaas jilba culusta ahaa si wacan baa loo soo dhaweeyey sooryo gobeedna waa la siiyey .. waxaana madashi shirka lagu balamay in Alle Talo la saarto, isla markaana qolo walba in kasto dhaqan ahan ila xad wax lagu kala duwan-yahay haddana dhalasho iyo xigto waa la yahay, oo qoloba halka ay joogto degaan ku ahaato laguna ixtiraamo, laakiin si gacalnimo ah la iska warqabo iyado maalintey xumaato Tolnimo la isugu gargaaro, halkaasna is-kaashi iyo mid midnimo la muujiyo, waxaa la isla meel dhigay in dadka beesha ka lunsan ee qabiilada kale ku dhex nool si dhaba la raadsho loona soo jiido, waxaa kalo la isla qaatay in maanto kale jiilasha hada jooga u noqoto xasuus iyo xasuus, sido kalana jiilasha dambe iyagana u noqoto dhiiragalin, yididiilo iyo rajo, isla markaana sidi Suuragal ah Masjid iyo Mataxaf laga dhiso halki iyo goobti xarunti boqortooyadi Diiftire ay ka dhisneyd laguna xardho ereyo Dahaba ..  Hadal Go'i Waayey Iyo Tanade Waa Yar-yahay Waa Laysaga Daba Yimi



hits Hits : 1571