Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Sheeko Ujeedo Leh .. Bakeeylihi Libaxa Dilay

Saturday - December 23, 2023




Libaax daalim ah ayaa duur-joogtii maalin kasta wax ka laaya , qaarna ka cuna , qaarna ka dhaawaca , qaarna intuu bakhtiiyo iskaga taga .

Duur-joogtii ayaa shir-weyne qabsatay oo isugu timi , iyagoo Libaaxiina iskka ilaalinaaya . Duur-joogtii waxay go’aansadeen inay libaaxa wefti u diraan , oo u geeyaan lacag iyo dahab , oo uu dhul kale qabto ,
ammaanna geliyo . Libaaxii wuxuu ugu jawaabay: Meel aan u socdo amase aan qabanayo majirto , Lacagtan iyo Dahabkana ma rabo, laakiin midda qura ee aan idinku ammaan gelinayaa waxa weeye , idinka oo maalin kasta mid idinka mid ah ii keena , si aan u cuno oo intiina kale maalintaa idin nabad-geliyo .. Duur-joogtii doodd iyo falaanqeyn kadib arinkaas Libaaxa soo jeediyey weyy ogolaadeen oo maalin kasta mid iyaga ka mid ah bay u geen jireen .

Wax maalinba libaax loo geeyo neef habar-dugaag ah, waxa la soo gaaray doorkii Bakaylaha loo geyn lahaa Libaaxa . Bakaylihii baa wuxuu duur-joogtii ka codsaday in uu isagu keligii u tago Libaaxa oo aan loo geynin , waxaanu hadalkiisii ku sii daray oo uu yiri : waxaan damac-sanahay inaan Libaaxa dilo , dhibtiisana ina dhaafiyo .. Duur-joogtii hadalkaa way ku qosleen , waxaanay ugu jawaabeen: Waar fulayahaw waxba hays-giijinine dhakhso .

Libaaxii oo gaajo ku dilaacday oo ilkaha isla dhacaaya , ayaa waxa u yimi bakaylihii oo yara baqanaaya Libaaxii oo aad u careysan baa wuxuu weydiiyay waxa uu ku raagay . Bakaylihii oo isna ogaan ugu talo galey inuu Libaaxa ka raago ayaa waxa uu ugu jawaabay : Boqor waxa laygu kaa soo dhiibay Bakayle weyn , laakiin Libaax ayaa na soo weeraray , oo Bakaylihii weynaa iga qaaday .

Libaaxii inta uu aad iyo aad u carooday ayuu Bakaylihii ku yiri : Kaalay oo itus xagga uu joogo ? Bakaylihii Libaaxii inta uu ceel-weyn soo dul joojiyay , ayuu ku yiri: Halkaas hoose ayuu ku jiraa , waxaanan ka baqayaa haddii aan farta kuugu fiiqo in uu i dafo ee i qabo oo sare ii qaad aan ku tusee meesha uu ku jiro .. Libaaxii sare ayuu u qaaday Bakaylihii wuxuu eegay ceelka gudihiisii , wuxuu biyihii ka dhex arkay (Libaax Bakayle haysta ) .. Libaaxii wuu gadooday oo aad iyo aad buu u carooday , intuu Bakaylihii sii daayey ayuu ku booday Ceelkii , si uu u dilo Libaaxaa cuntadiisii dhexda u fadhiistay ee ka cunay  .. Ceelku aad buu u weynaa  oo Libaaxi halki ayuu ku haftay, waana ku halgmay

Duur-joogtii markay warkii maqashay aad bay u faraxday, si weynna Bakaylihii bay ugu mahad-naqday .. Akhristow Hadaba waxaad ogaataa in Bakayle ka caqli iyo garaad badiyey Libaax , sidaa awgeed hays oran cid baad ka xoog weyn-tahay .. ogowna xoog kasta oo aad haysato haddaan caqli iyo garaad wehelin waa biyo col dhaanshay .. Awoodda shacabkana yaan la dhayalsan .