Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Xidigo Hoobtay .. Sadex Masuul Sare Oo Is-Casilay Kadib Talaabo Uu Qaadday Madaxweyne Xasan

Monday - December 25, 2023



Muqdisho  – Saddex kamid ah howl-wadeennada sare ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, gaar ahaan Golaha Dhexe ayaa is-casilay .. Is-casilaada masuuliyiintan ayaa imaneysa maalmo kadib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dib u magacaabay guddoomiyihii hore ee Bankiga, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Oo afar sanno xilkaas hayay.

Sakhawadin Mustafe Maxamed, Cismaan Salaad Gabeyre iyo Cabdisamad Nuur Xasan oo xilal muhiim ah ka soo qabtay howlaha shaqo ee Bankiga Dhexe, ayaa laga soo xiganayaa inay arrimo u gaar ah isku casileen.

Is-casilaada lama filaanka ah ee masuuliyiintan ayaa dhalisay walaac iyo hadal heyn ku aadan sababaha ka dambeeya go’aanadooda, mana jirto warbixin ka soo baxday Bankiga oo lagu faah-faahiya is-casilaadooda.

Tagista xubnahaan guddiga ah ee khibradda leh ayaa durba abuuray walaac xooggan, iyada oo dhaqaal-yahaanada, siyaasad-dejiyeyaasha iyo hay’adaha maaliyadda ay si dhow ula socdaan xaaladda, si ay u qiimeeyaan saameynta ay ku yeelan karto shaqada bangiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan waxa uu Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi mar labaad u magacaabay guddoomiye Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.