Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Waxaay Ahayed In Deynta La Bixiyo 11- Desembar .. Itobiya Oo Noqotay Dalki Sadexaad Ee Afrika Ee Iska Bixin Waaya Deynta

Wednesday - December 27, 2023



Sida ay qorayso wakaaladda wararka ee Reuters Itoobiya ayaa Talaadada maanta noqotay dalkii saddexaad ee Afrika ee iska bixin waaya deynta lagu leeyahay ka dib markii ay ku guuldareysatay in ay waqtigeeda ku bixiso $33 milyan oo doolar.

Dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika ayaa horaantii bishan ku dhawaaqay inuu damacsan yahay inuu si rasmi ah u galo habacsanaan "default” oo ah in dalku muujiyo inuusan iska bixin Karin deynta lagu leeyahay, iyadoo ay soo wajahday culays dhaqaale oo aad u ba’an ka dib masiibada COVID-19 iyo dagaal sokeeye oo socday laba sano, kaas oo dhamaaday Noofambar 2022.

Waxay ahayd in la bixiyo Diseembar 11, laakiin farsamo ahaan waxay haysatay ilaa Talaadada maanta si ay ubixiso taas oo cadaaday in aysan suurta galayn.

 Waxay ku biiraysaa labada dal ee kala ah Ghana iyo Zambia oo hore xaaladdan oo kale galay. Dalalka ay sidani ku dhacdo ayuu hoos u dhacaa koboca dhaqaalahoodu sababo ay ka mid tahay maalgashiga oo hoos u dhaca.