Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Xasan Iyo Muuse Fikirkoodu Muxuu Yahay Yaase Garaad Sareeya .. Jugta Weyn Waa Xaggee : Ma Midnimo Heshiis Lagu Yahay Nooca Ay Tahayba .. Aynu is Dilno .. Aan Kala Tagno .. Mise Aan Is Gumeysano

Thursday - December 28, 2023




Jabuuti – Madaxweynaha Xasan Shiikh Ee Soomaaliya  iyo Mudane madaxweyne Muuse Bixiy oo ka socda Somaliland oo mid walba la socdo Daaquudyo ay soo xusheen, ayaa lagu wadaa in maanta kulan toos ah ay ku yeeshaan dalka Jabuuti, halkaas oo ay tegi doonaan saacadaha soo socda ..  Laascaanood wey dhaqaaqday, taaso keentay in Somaliland goortaan la joogo ay naf ka dhawr tahay oo xaalkeedu wuxuu yahay ma ka baxday ma ku jirta, halka Mogdisho ay isku qalanayaan Al-shabaab iyo dawlada .. koleyba Aan wada hadalno waa aan heshiino oo ha soo dhamaato khiyaaliga

ILo lagu kalsoonyahay ayaa ayaa xqiijinaaya in Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi ay ka kala duuli doonaan magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa, ayaga oo aqbalay casumaad uu u fudiyay madaxweynaha waddanka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle .. Geelle waxaa qorshiisu yahay, sidi Xeegana- Xeego u noqon-lahayed ilkana u nabad-gali-lahaayeen ..Xaalku wuxuu maraya Riwaayadi la oran jiray "Xaajo-ba La Yaab Leh" 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa socdaalkan ku wehlin doono qaar kamid ah la-taliyeyaashiisa gaarka ah, wasiiro iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ah ergeyga haatan dowladda federaalka u qaabilsan dhanka wada-hadallada Somaliland.

Sidoo kale madaxweyne Muuse Biixi Cabdi isna waxaa safarkiisa ku wehlinaya wasiirada kala ah arrimaha gudaha, maaliyadda qorsheynta iyo waxbarashada ee maamulkaasi.

Qaaban-qaabada kulankan iyo xiriirintiisaba waxaa leh madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo labada nin la’ah saaxib, lana leh xiriir wanaagsan.

Ma cadda waxyaabaha rasmiga ee uu ku saabsan yahay kulankooda, laakiin warar hoose ayaa sheegaya in labada madaxweyne ay ka wada-hadli doonaan sidii dib loogu bilaabi lahaa wada-hadalladooda oo muddo dheer hakad ku jira, wxaase warka loo badinaaya in ila Sadex arimood midkkood la soo saari-doono miiska wada hadalka kuwwaso kala ah:  Midnimo Heshiis lagu yahay nooca ay rabto ha noqote .. Tan labaad oo ah aan kala tagno iyo ni qolo walba deggaankeedda maamulato amase in la is dillo oo la is guumeysto

Si kastaba, madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ayaa horay sidaan oo kale sanadkii hore ugu kulmay dalka Jabuuti, kadibna waxa ay ka wada qayb galeen meherka Xildhibaan Saadaq Joon iyo gabadha madaxweynaha dalkaasi, Haybado Ismaaciil Cumar Geelle.