Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Waa Talo Ee Doorta Musharax Aqoon-Yahan Faarax Aw Cismaan .. Waa Nin Dadka Iyo Dalka Jecel Oo Raba In Uu Horumar Gaarsiiyo Kana Qabto Kuwa Khaladka Ku Wada Ee U soo Shaqo Tagay

Saturday - December 30, 2023





Ummad yahay Reer Puntland dardaaran waa inta xayga la yahay, waxan maanta idiinka digayaa in aad mar kale u jabtaan kuwii halkaas idin dhigay ee Aan u bixiyey " Awlaadi Carfaaye" Waa kuwa Uuska buuran ee xoolihini boobay ee weli u hanqal-taagaya iney markale wax qararamsadaan.

Reer Puntlandow, Maanta jaanis baad haysa-taan dahabi ah, oo aad ku bedeli kartaan kuwii dalka iyo dadka horumar la'aan dhigay, ee ka faa'iidysta oo doorta kuwo dalka iyo dad-kaba u daacad ah, haddii kale miyaa mar kale baad farta dhexda ka qaniini doon-taan.

Akhristaw Intaas dabadeed, Waxan halkan idinku soo gudbinayaa in aad doora-taan aqoon-yahan Faarax Aw Cismaan, oo u sharaxan xilka madaxtinimada Puntland, Kuna soo dhawaadda hibadda Eebbe ku manaystay Mudane Faarax Ww Cisman 

(A) Waa nin ehelul diin ah, oo aan been,iyo daba ka wareeg, munaafaqad, xoolo ka dhaqo oo hantidda ummadda boob iyo khiyaamee mid-na aan aqoon,

(B) Waa nin daacad u ah dalk-kiisa iyo dad-kiisa oo Alle ka baqa iyo balan fur-kana aan qoon, kuna dhaqma siddii diin-teenu inoo sheegtay.

( C) Waa nin Ku dhaqma, oo ilaaliya, sidii-sana u fuliya balanta iyo Sharciga dalka u yaala oo aan xoolo lagu sasabanayn.

(D) Waa nin aqoon-yahan ah, oo garanaaya shaqadda uu qabanaayo iyo waxa laga rabo, mansuul ah oo aan marna idinku wacad furayn.

(E) Waa nin dalka iyo dadka jecel oo raba in uu horumar gaarisiiyo, kana qabto kuwa khaladka ku wadda ee u soo shaqo tegay.

(F) Wuxu imikadan yahay "Gudoomiyaha isku xira dhalinyarada jaaliyada Somaalida iyo dhalinyarada Kanada .. Waa nin aad ku baraari doon-taan hadii Alle idmo, oo idinka saari doono, Musus-maasaqa, Eexdda, Qabyaaladda, Cadaalad darradda, Boobka, oo ilaalin doona hantidda ummadda, ee dhayalka ay inta yari ugu tagri falayso siday doonto iyo mid lagu shaqaystaa.

(G) Ma aha Nin qabyaalad iyo reer hebel u xeebta, ee waa isugu mid ummadda Reer Puntland meel ay joog-toba, una naxriista inta jilicsan, isaga oo aan beel-beel u kala saarayn.

(H) Waa nin ay ku dheer-tahay, kuna dhinta magaca Puntland, oo aan cidi u soo marayn.

 Waxan maqaalkan ku soo dabray, hees uu qaadi jirey alaha ha naxaiste Maxamed Mooge, baa waxa ereya-deedda ka mid ahaa " Wixii aan hore u eeday haw laaban miyey is eegtay" Wixii hore ilaw oo dan-taadda iyo jiri taan-kaaga tix-geli. Hore baad u eedeen, oo aad fartiina dhexdda uga qaniin-teen, 

Shacabka Reer Puntlandow maanta baa tallo kula gudboon-tahay, waa haddii aad rab-taan in ay ciribi idin ka harto, oo aad wax taransa-taan, kana soo waaqsa-taan wixii horumar la'aan idin gaaray