Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Deni Naxashka Saaran Oo Raba Inu Puntland Aakhiro U Foorariyo .. Deni Dab Buu Suraya Sool Doorasho Inu Haweysto .. Isimada Iyo Shacabka Jaanta Isla Helay Ee Arinka Deni Meel Ka Wada Arkay

Sunday - December 31, 2023





Wararka ka iimaanaya dhinaca Garoowe ma fiicna oo waxaa la sheegaya in Madaxweyne Saciid Deni u caro iyo xanaaq awgeed uba marka marka ka dambeysa ka sii daraayo, sidaa daraadeedna u sii macangag-nima ah u qaaday talaabo qar iska tuur ah oo sidey noqotaba jid iyo jid daraba u kursiga mar labaad khasab ku helo, hasa ahaate guud ahaan isimada Puntlandd oo ay wehliyaan shucuubta mandiqadaas ayaa jaanta isla helay oo arinka qaloocan ee Saciid Deni meel ka wda arkay iyo iyago ku mashquulsan sidey isaga caabin lahaayeen, isla markaana haddu gardiid noqdo waxa ka go'an in ay gacan bir ah siyaasadiisa wax kaga badalaan

Sida la sheegaayo Saciid Dani oo dantiisa gaara u adeegaya wuxuu soo dhaweystay Niman afminshaarin ah iyo koofiyo-bacyaal naftooda wax la doonaaya oo aan dan ka lahayen dalka iyo dadka, isla markaana ah niman ficil tolnimo lahayen ee calooshooda kaliya wax la doonaya

Wararka halkaa naga soo gaaraya ayaa sheeggaya in shacabka Puntland ay aad uga careysan-yihiin talaabooyinka Deni u ku kacaayo oo u muuqda inu khalkhal galinaayo midnimada reer Puntland, waxaase muuqata ayaa la leeyahay in shacabka reer puntland ay arinkaas ka sameyn-doonaan kacdoon lagu tuuraayo Deni iyo inta xaabada ee u cagaha ku wato.

Xalku waa in mar haddii dawladnimadii iyo sharcigii lagu dhaqmi waayay reeruhu kala baqaan si ay u kala edebsadaan oo dawladda u wada yeeshaan .. Cidda qura ee maanta hadalkeeda la dhagaysan karaana waa cidda qabiilnimo wax is kaga celisa, waayo burcadda qabyaaladeed ma laha garasho iyo nafsiyad taa lagaga badbaado, oo wax ay ku sakhraansan yihiin sedbursi iyo dhereg 30 sano baarka ka jartay.