Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Caawa Ayaa la filaya in Uu Curto Sanadka Cusub Ee Milaadiya 2024 .. Taaso Jirta Ayaa Hadana Shacabka Somaliyeed Ku Baraarugsan-yihiin Dhalashada Cusub Ee Islaamka

Sunday - December 31, 2023





Caawa ayaa la filayaa in uu curto Sanadka cusub ee Milaadiya 2024, iyadoo taasi jirto ayaa hadana shacabka Soomaaliyeed ku baraarugsan-yihiin dhalashada sanadka cusub ee Islaamka taas oo lagu sababeeyey kadib markii ay qabatimeen sanadka Miilaadiga oo isagu haatan galay 2024

Dalalka aan haysan Diinta Islaamka si weyn ayay u qiimeeyaan sanadkooda marka uu dhalanayo waxayna sameeyaan Fantansiyo iyo Dabaaldegyo, hase yeeshee dadka Islaamka ayaa iyagu qaarkood aan ka war qabin dhalashada sanadka islaamka, qaarkood haddii aad weydiiso dhalashada sanadka cusub, waxa uu la soo boodayaa kan Nataalaha ama Miilaadiga, qaarkoodna waxaa la sheegay in ay isku hambalyeeyaan.Snnadka Milaadiga  

Sanado ka hor dadka Soomaaliyeed waxay hambalyo iyo fantasiyo u sameyn jireen sanadka Miilaadiga, hase yeeshee markii ay bilowdeen ururada Diiniga ah ayaa Fantasiyahaasi istaageen qaarkood waxay ku macneeyeen in ay ugu wacan tahay arrimo dhinaca nabadgelyada, iyadoo dhallinyarada qaarkood sheegeen in ay xusi lahaayeen sanadka Miilaadiga ee Gaaladda.haddii ay heysan lahaayeen Ammaan  

Warbaahinta oo laga rabay in ay Bulshada ku hagto wadada saxda ah ayaa iyaduna ku baraarugsaneyn dhalashada sanadka cusub ee Hijriyadda, waxaana taas ugu wacan iyadoo markay barnaamijiyada ama wararka sheegayaan isticmaala sanadka Miilaadiga ah, waxayna dadka qaarkii sheegeen in sababta koowaad leedahay warbaahinta oo la rabay in ay bulshada Soomaaliyeed ku hagaan sanadkooda Hijriyadda. 

Sanadka Hijriyadda ayaa soo bilowday waqtigii Nabiga la amray in uu ka hijroodo Magaalada Makka ALMukarama una hijroodaan Magaalada Madiina ayaa ah sanadka saxda ah ee loogu talagalay in ay ku dhaqmaan dadka Islaamka, kuna saleeyaan noloshooda, sida Ballamaha, Munaasabadaha iyo dhacdooyinka kale iyo wixii la mid ah, kana hirgeliyaan ama lagu baro carruurta Islaamka Iskuulaadka iyo waliba dugsiyadda Qur’aanka, sidaas si la mid ahanna waxaa wanaagsan in ay wadamada Islaamku ugu baraarugsadaan la socoshada Taariikhda Islaamka ee Hijriyadda, waxaa xusid mudan in Dowladda Sucuudiga ay tahay dowladda keliya ee isku taxlujsa la socoshada taariikhda Hijriyadda, waxayna sameysaa Kalandaro ku qotoma Taariikhda Hijriyadda.

Qofkasta oo Muslim ah waxaa laga rabaa in uu la socdo Bilaha Islaam uuna yiraahdo maxaa Khayr ah ayaa ku jira bishaan si aysan dhaafin Khayrka  
 
1-Muxaram

2-Safar

3-Rabiicul Awal

4-Rabiicul Thanii

5-Jamadul Awal

6-Jamaadul Thannii

7- Rajab

8-Shacbaan

9-Ramadaan

10-Shawaal

11-Dul-Qacdi

12-Dul-Xaj