Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Ciyaarta Biixi Waa Meel Hoose "Local" .. Heshiskani Mudo Hoos-Hoos U Socday .. Biixi Ujedkisa Waa Inu Helo Hub Dib Ugu Soo Duulo Lascanod Iyo Kursiga Ku Sii Fadhiyo 7-Sano Ee Soo Socota

Wednesday - January 3, 2024




Sida ku cad warqaddii ka soo baxday xafiiska R/Wasaare Abiy ee 01.01.2024 aqoonsi kuma qorna. Waxaanse halkan ku tixi fal-celinta ugu horaysay ee baaqa.

1. Waa war fajiciso ku noqonaya madaxda Geeska Afrika, Siiba Madaxweyne Ismaaciil C umar Ghelle iyo Xasan Sheekh ee ku shirtay Djibouti 27-29.2023.

2. Waxa caddaatay shirkii Djibouti xagga Muuse Biixi waxay ka ahayed madadaalo iyo majaro habaabin, waxaana ka garan-karta inuu Labo maalin ka dib shirkii Djibouti u duulay Addis.

3. Waxa cad in qorshaha heshiiskani muddo hoos-hoos u socday (Somaliland iyo Ethiopia). Hadalladii Ethiopia ee helidda Bad ay iska leeyihiin iyo murankii reer Awdal, Isaaq/Dirku waa Oromo iwm, bilaash ma ahayn. Waxay ahaayeen diyaarin dhegaha Soomaalida (siiba Isaaq iyo Samaroon) la sii jalqinayey.

4. Waxa Hargeysa heshiiskan ku riixay jabkii kaga dhacay Goojacadde iyo Laascaanood 25.08.2023. Waxay u baahdeen garab ay ku dul ooyaan. Abiy-na wuu ka faa'ideystay, gacan buu u fidiyey.

5. Biixi wuxu Hargeysa ku soo noqonayaa imika, indhaha dadka, isagoo guul siyaasadeed sita oo ku heesaya: aqoonsi ayaan Ethiopia ka wadaayeey. Sacab, durbaan iyo mashxarad baa loo tumi. Qofkii dood ka keenaana waa Somaliland diid baa la oran.

6. Marka heshiiiska rasmiga ahi soo baxo (waa haddii la shaaciya bee) ayuun baa la garan karaa qotada iyo saamaynta heshiiskan. The devil is in the details.

7. Laakiin DFS iyo Xasan Sheekh ayaa hawli u taal.

Gunaanad: Fariinta Muuse Biixi waa in SL xeebteeda dhaafsatay aqoonsi, sida Biixi sheegay, aha xuddunta heshiiska. Su'aashu waa Ethiopia sidaa ma yeelaysaa mise waa khayaano? Waa khayaano, Biixina waa og yahay, laakiin isaga godka uu ku jiro cid ka saarta ayuun buu rabaa. Ciyaarta Muuse waa meel-hoose (local). Ujeedadiisu waa inuu hub helo, dib ugu duulo Laascaanood, kursigana ku sii fadhiyo 7-da sanno ee soo socda. Ciyaartu waa local, sidaa ha loo fahmo. Intaas ma dhaafdana, sida ha loo fahmo. Xeeb iyo dhul ayaa ka aarsi iyo kursi loo bixinayaa. Alloow sahal amuuraha.