Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Dad Waa Ka Quuste Dunida Shaw Rag Baa Nool .. Itoobiya Oo Wajahaysa Culeys Aysan Fileyn .. Shacabki Somaliya Geeeri Buu U Bareeray Oo Dagaal Buu Gudoonsaday

Friday - January 5, 2024




Addis Ababa – Addis Ababa ma aanay sugeynin inuu Mareykanka istaagi doono halka uu sida deg degta ah uga istaagay damaca ay rabto inay ku qaadato qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya .. Heshiiska Addis Ababa ku dhex-maray Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed wuxuu tilmaamay in saldhig baddeed oo joogto ah la siinayo Itoobiya, taasi oo ka dhigan in uusan heshiiska aheyn mid sanado kooban ku eeg.

Caalamka ayaa si weyn oo weliba deg deg ah waxaa uga soo jawaabay xiisadda kasoo cusboonaatay Geeska Afrika. Mareykanka oo ah dowladda casrigan ugu quwada weyn adduunka ayaa laaday heshiiskii ka dhacay Addis Ababa, waxayna sheegeen inay ixtiraamayaan madax-banaanida Soomaaliya ee waafaqsan xuduudihii 1960-kii.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale ganafka ku dhuftay is-afgaradkii uu Muuse Biixi isku dayay inuu Itoobiya ku siiyo qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya, isaga oo og in weli Somaliland ay hoostagto dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, marka laga tago gadoodka ay ku maqan yihiin 30-ka sanno.

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat waxa uu sheegay inay si dhow ula socdaan xiisadda ka dhalatay heshiiska ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo gobolka Soomaaliyeed ee Somaliland, waa sida uu u qorna warkii kasoo baxay Midowga Afrika.

Dhinaca Kale Dowladda Kenya ayaa si deg deg ah u qaabishay Sii-hayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, iyada oo kala hadashay xiisadda cusub ee gobolka iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Baarlamaanka Carabta wuxuu si buuxda ula saftay Soomaaliya. Dhamaan dalalka, dowladaha iyo ururada illaa hadda soo hadal qaaday xiisadda ka dhex qaraxday Soomaaliya iyo Itoobiya, waxay la safteen Soomaaliya.

Sababta ay adduunyada ula safatay Soomaaliya waa heerka uu le’eg yahay gafka ay ku dhaqaaqday Itoobiya iyo sida indho la’aanta ah ee ay ku dooneyso inay bad ku hesho.