Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Sheekadi Libaaxa Iyo Dameerki Itoobiyaanka .. Xikmadu Waa Cagahaaga Ha Ku Doonan Halaagaaga

Saturday - January 6, 2024




Maali Maalmaha ka mida Libaax ayaa soo weeraray Dameero badan oo meel wada jooga... Kuligood way ka wada yaaceen mid qura ayaa isku soo taagay Libaaxii .. Libaaxii inta uu iska dhigay mid ka baqanaaya. Ayaa Dameerkii u qaatay in Libaaxii ka baqday .

Kadibna Libaaxii dib ayuu uga gurtay, Dameerkiina inta uu iscajabiyay oo isu riyaaqay ayuu sii eryaday balse Dameerkii waxa uu u galay Raxan Libaaxyo ah oo meel ku sugaysa oo uu afka ka geliyay Libaaxii .

Baqdin awgeedd, Inta uu Dameerkii isku kaajay ayuu yiri: koleyba waa hubaal in aad I cunaysaan ee su'aal aan waydiiyo Libaaxii nacaska ahaa ee fulaha ahaa: Maxaad iiga soo carartay ee aad isaga kay celin wayday?  ..  Libaaxii ayaa ugu jawaabay:  sharad ayaan la galay saaxiibadayda Libaaxyada ah in aan cunto ugu keeni doona halkooda iyaga oo isk fadhiya , oo aan iyagu ugaarsi tegin, isla markaana Dameer caqli xun oo doqon ah aan u soo hogaamin-doono.

Markaa qofka caqliga xun ee doqonka ah ee isla weyni , isagaa dabinka is-geliya ,oo caqligiisa ku doonta dhimashada amase Eeebe la kulankiisa .. waa sida maanta uu Muuse biixi ku sameeyay dhulki S/L uu ka iibinaayo Xabashi ee dhulkoodii ku soo hogaaminaayo Isaga oo Ethiopia afka uga gelinaaya .. Xikmad sheekadaan waa cagahaaga ha ku doonan halaagaaga.