Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Umadyahay Kululaatay .. Dawlada Turkiga Oo Wacad Ku Martay Iney Somaliya Ka Difacayaan Itoobiyaa

Wednesday - January 10, 2024




Gudoomiyaha BaarlamaankaTurkiga Nicmaan Kurtulmuş ayaa sheegay in Turkigu difaacayo Xuduudaha Soomaaliya, haddii ay Soomaaliya ka codsato iskaashi amni.

“Turkigu Ma aqbalayo in lagu Xadgudbo madax-bannaanida Soomaaliya iyo xuduudaheeda La aqoonsan yahay, Itoobiya Xiriir fiican ayaa naga dhexeeya, laakiinsee Waan ka soo horjeednaa Talaabada Itoobiya ay ku faragelisey dhulka Somalia”.

“Somalia garab ayaan ku siinaynaa inay ku filaato amaanka Xuduudkeeda, Hadayse naga codsato somalia inaan u ilaalino oo u sugno amaanka Badda,diyaar ayaan u nahay, intay ku filaanayso amaanka xuduudkeeda,iyadoo sharci iyo heshiis loo marayo” ayuu yiri Guddoomiye Nicmaan Kurtulmuş.

“Waxay ku xiran tahay keliya Somalia oo Turkiga la gasha heshiis iskaashi amni oo mudo cayiman soconaya, sida heshiskii iskaashi amni ee ay Dawladda Libya la gashay Turkiga 2019-kii xiligaas oo aan dawladnimada libya difaacnay oo ay soo weerareen falaago xaftar hogaaminayey”.


“Hadii ay Somalia Walaac amni dareemayso, Kama hordhacayno,wax walba rabitaanka dawladda somalia ayay ku xiran yihiin,Turkigu markasta wuxuu garab taagan yahay Bulshada soomaaliyeed” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Gudoomiyaha BaarlamaankaTurkiga Nicmaan Kurtulmuş.