Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Dalka Waa In Laga Badbaadiyo Madaxda Iyo Masuuliinta Ku Mashquulsan Habka Laaluushka Loo Xalaaleysto .. Ey-gii Lagu Aasay Xabaalaha Muslimka Iyo Qaaliigi Laaluushka Qaatay

Thursday - January 11, 2024




Waa Yaab Waa Duni Aakhir sabaane Xaaraantii oo uu laaluush xalaaleeyey Ee ila akhriya sheekadaan:.
Waxa dhacday in xabaalihii dadka Muslimka uu Nin ku aasay Ey .. Dadkii baa Ninkii soo ashtakeeyay .
Ninkii baa Nin Qaali ah u yeeray, oo waxa uu waydiiyay, in hadalka iyo ashtakadaa laga soo gudbiyay sax tahay iyo waxa ka jira? .. Ninkii baa ku jawaabay: waa run.Ninkii Qaaliga ahaa ayaa ku yiri: siday ku dhacdaa in aad EY ku aasto xabaalaha dadka muslimka ah? Miyaanad ogayn in ay xaaraan tahay?

Ninkii ayaa ku jawaabay: EY-ga ayaa igula sii dardaarmay inaan xabaallaha Muslimka ku Aaso, Waxaanu kaloo igula sii dardaarmay, in aan Qaaliga siiyo lacag 1000 Dollar ah .. Qaaligi markii ninkii lacagtii u dhiibay. Ayuu Qaaligi yiri: EY-gani waxa uu ka soo jeeday, faracii EY-gii reer Ehlu-Kahaf oo ah EY-gii janada galay. Sidaas awgeed Ey-gani waa muslim. Oo xabaalaha muslimka ayuu xaq u yeeshay in lagu aaso.

Akhristow, Waxaad arkaysaa sida uu lasluushku u xalaalaynaayo wixii xaaraanta ahaa, oo dadka qaarkood u shaqeynayaan, Oo Qaaliyaashi, Wadaadadii iyo Maxkamadihii u shaqeynayaan , oo cadaaladii laga tegey, Oo lacag urursi ayaa hor carartay. Sidaas awgeed dalka waa in laga badbaadiyaa madaxda iyo masuuliinta habkaas ku mashquulsan