Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Maanta Waa Maalin Kale .. Seefti Afka Badneyd Ee Deni Oo Markaan Xaglaha Ku Gooyey Kuwi Wax Is Biday .. Deni Oo Khasnadi P/Land U Magacabay Wiil Reer Tanada Darood Ah Oo Isir Iyo Ab U Leh Amaanada

Thursday - Feb 29, 2024




Madaxweeyne Saciid Deni oo maal-mahaan hadaba dhinac soo dhiganaayey, balse wuxuu soo gur-guur-taba ugu dambeysti-ba Badka ayuu soo dhigay tiro wasiiro ah oo ka kooban 21 xubnood, kuwaaso aan liiskooda lagu soo darin wasiir ku xigeeno iyo wasiiro dawlo, waxaase la sheegay in Soonka ka dib liiskooda la soo saari-doono

Sida muuqata ama la saadaalinaayey waxaa liiska ka maqan Rag badan oo la is lahaa wey ka mid noqon-doonaan golaha wasiirada, iyadoo si gaara loogu tirinaayey iney ka imaan-doonaan dhinaca mucaaradka, laakiin sida dhacday halkaas ayaa mucaaradki kaarka loogu rogay, balse qaarkood afka dufan loo mariyey oo la siiyey wasiiro heer darajo hooseeya .. waxaase xusid mudan in horay garnaqsi u dhex maray mucaaradka qaarkiis iyo Saciid Dani oo ay qawl heshiis kala xirteen, laakin marku arkay Saciid Dani in Ragaas faraski waalaayey ay ka dagi-waayeen amase wax maqal looga taag-waayey, wax sheeg iyo waano dheg jalaq-siin waayeen, kaligood wax is biday ayuu seeftiisi afka badneyd xaglaha ku gooyeey

Mudane Madaxweyne Saciid Deni isago ka ambaqaadaya Meherul-shardigi suubiska iyo daran-doorigi taagnow ee meelna u socon, Jawgi Mono-poly reer-reerka ee xitaa aan bixin jirin Maal Rasuul, balse iLig waxay un galiso goobeysa, balah-balahdi qab-yaaladeed Eegeyna danta guud iyo horumarka Puntland waxuu khasnadi dawlada markaan u magacaabay wiil dhalinyaro ah Aaminaada isir iyo Ab u leh oo lagu magacaabo Maxamed Faarax Maxamuud oo beel ahaan ka soo jeeda beesha Tanade daarood .. Maxamed wuuxuu la dagaalami-doona lunsiga hantida dawlada, lana xisaabtami-doona masuuliinta lacagta umada loogu dhiibay .. Maxamed wuxuu haysta soo dhaweyn aan loo kala harin iyo kalsoonida shacabka reer Tanade ee gudo iyo dibad