Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Geesigi Fool Adeyga Nelson Mandela .. Waxaan La Kulmay Saaxibki Igu Hayey Xabsigi Dhulka Hoose Oo Markaan Weydisto Biyo Aan Cabo Kaadidiisa Wajiga Iga Rusheyn-jiray .. Waan Cafiyey

Friday - March 1, 2024





Wqtigu Waa Raasamal Oo Taariikh Bu Reeba .. Maalin maalmah ka mida,  Halgama Nelson Mandela oo markaas ahaa madaxweynihi ugu horeeyey Konfur Afrika ayuu goor habeyna wuxuu socod Lug maja-baxsi ah ku kala bixiyey goob ka mida magaalada, kadib marku saacado socday ayu ku leexday Makhaayad "Baar" waxaana markaas la socday laba nin oo ilaaladiiisa ah.

Mandela oo si un socodki ugu soo daalay waxuu ku leexday Baar agagaarka ka dhawaa dabadeedna  meel geesa ka fariistay, halki ayuu cunto iyo cabid ku dalbaday, laakiin inti cuntada loogu maqnaa waxaa ishiisa ku dhacday Nin Uur kuusan oo bartiisa u gartay kaaso meel aan iga fogeyn fadhiyey, oo Canka cantuug ka buuxinaaya, waxaase ka muqatay cabsi iyo khalkhal, dabadeed ma daama aan bar-gartay isaguna i gartay mid ka mida ilaaladeyda ayaan ku iri ninka halkaa fadhiya igu yeera .. Ninki ayaa isago baqdin xoogan hayso ayuu miiska ila soo fariistay, ayuu yiri Mandela

Mr. Mandela oo ninkaas qoraalka buugiisa ku xusay, waxuu yiri: kulan-kayagi labada dhinac waxa kaliya aan ka wareystay xaaladiisa caafimaad iyo inu shaqadiisa weli haysto iyo in kale .. uma muujin ayuu yiri wax ficil colaad ah, waxaanse kaliya u sheegay inu xageyga cafiis ka yahay oo cid wax uu raacaneyso jirin, ugu dambeyna si fiican xaraarad leh ayaan isu maca-salaameynay  

Nilson Maandela oo nin-kaa ka warbixiyey, wuxuu yiri: Ninkaa waa saaxiibki muddo xabsiga igu hayey wuxuuse ahaa jaahil nacalad kortay, wuxuu ahaa ninki sida gaarka ah xabsigi dhulka hoostiisa laygu qarshay igu hayey, xabsigu wuxuu ahaa qol aad u yar oo aan hawo badan lahayen, wuxuu markasta igu sameyn jiray Sharaf-ridid iyo karaamo-qaadid, gaar ahaa markaan iraahdo Oon baa ii haya wuxuu iga Kaadin jiray Wajiga oo aan ahayen mar kaliya, balse markasta oo aan Biyo weydisto wuxuu Qubeys iga dhigi jiray kaadidiisa , wuxuu ahaa bu yiri: Nin Xun oo aragtida Manhajka Midab-takoorka iyo cunsuriyada dabaqahayey amase fulinaayey, Raga xabsiga yuurara dharbaaxo kaga soo goyn jiray, halka Dumarka u macdanta ka laadi-jiray .. hasa-ahaate inkasto aan dhogor xumaaday, waxaas oo dhan oo ay igu dhacayeen ma aan rajo dhigin oo waxan aaminsanaa maalin Un in aan qof-nimadeyda iyo dad-nimadeyda soo ceshan-doono, kolkey muragada sida gudcurka ii daboosho waxaa jiray ileys meel fog iiga bidhaama .. ileyski gobanimada iyo bani-aadnimada, oo Yididiladaas awgeed ayaa ii ahayed tamarta iyo sababta aan ku noolaa ..

Nabsigo Kugu Gadooda Gadaal Buu Ka Aara Sidi Aar Golaaf-tamaya .. Doobki la quursaday ee Nilson Mandela oo arintaan mitaal u soo qaatay, wuxuu yiri: Cafisku waa sifo la mahadiyo oo qofka gob ka dhigta .. Cafisku waa mid guud iyo miid gaar-ahba wuu noqon-kara kan guud dad badan ayuu saameeya kanse gaarka ahina cid magacaaban .. arintu si kastaba ha ahaate cafisku iyo saamaxaada suuban waa in la qaato ayey tahay .. dawlad-nimadu kuma dhisnaan karto ayuu yiri Aarsi iyo akhlaada oo laga tago, balse dawlad-nimadu waxay ku dhismata is cafis iyo tanaasul   

hits Hits : 2190