Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Cilmi Baaristaan Wax Badan Ka Ogow .. Caabitaanka Biyaha Iyo Waqtiga Ay Mamnuuc Tahay In La Cabo

Monday - March 4, 2024



Dad badan ayaa marka ay cuntada qaadanayaan aad u isticmaala biyaha , laakiin waxa la ogaaday arintaasi inay leedahay wax-yeelo dhinaca caafimaadka ah .. Waxayn Takhaatiirta cuntada soo jeediyeen in  wakhtiga cuntada aan biyaha la cabin .. Takhaatiirta cuntada ayaa cadeeyay in loo baahan yahay in qofku Biyaha cabo Nus saac ka hor inta aanu cuntada adag qaadanin., Waxa kale oo ay soo bandhigeen dhibaatooyinka ka dhasha biyaha lagu dhex cabo wakhtiga cuntada la cunayo, kuwaasi oo ay ku soo koobeen:

1- Dheecaanada burburiya cuntada ee caloosha ka yimaadda, oo kaalin weyn ka ciyaara cuntada la qaadanayo ayay hoos u dhigaan isla markaana yareeyaan biyaha la cabo wakhtiga cuntada, taasi oo marka biyaha la cabo, calooshu ay hesho amarada ah in la joojiyo soo saarista dheecaanadaasi raashinka burburiya.

2- Cabitaanka biyuhu wakhtiga cuntada waxay keenaan in jirka khalkhal ka galo qiyaasta cuntada uu baahan yahay.

3-Cabitaanka biyaha ee wakhtiga cuntada wuxu yareeya Acid oo caawisa dheef-shiidka, iyagoo yareeya dheecaanada Ansimat oo falgal la samaysa.