Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Yaa Macsharal Jini Wal Insi .. Farmajo Iyo Shiikh Sharif Oo Mar kale U Soo Booyinaaya Iney Faraha Nagu Dhigaan .. Boqorkii Yiri i Qurxiya

Tuesday - March 5, 2024




Waxa Jiri Jirey Boqor il Ka Cawarnaa Lugna la’aa "laangare ahaa"  Hadaba maalin maalmaha ka mid ah , waxuu uu yeeray wasirkisii Boqortooyada kuna amray in uu u keeno fanaaniin farshaxaneed oo Sawir gacmeed qurux badan Boqorka ka qaada , oo ceebaha uu leeyahay Boqorku qarin-kara .

Wasiirkii Boqor-tooyada fanaaniin badan oo gacanta wax ku Sawira ayuu isugu yeeray , waxaanu u sheegay inu doonaayo  in Sawir gacmeed Boqorka laqa qaado , waxaana shardi ah in ceebaha Boqorku uu leeyahay oo dhan la qariyo .

Hadaba waxa aad u adkaatay sidii arintaan ay ku suurto geli-lahayd  ee Boqorka laba indhood loogu yeeli-lahaa , isaga oo Boqorku leh il qura  iyo sidii Boqorka Laba Lugood loogu yeeli-lahaa  isaga oo Boqorku lug qura leh .

Laakiin waxa dhacday in uu fikrad fiican keenay mid ka mid ah fanaaniintii laysugu yeeray waxaanu yiri : waxaynu Sawiraynaa Boqorka oo qori- buntukh ah gacanta ku haya sidii qof wax ugaar-sanaya oo kale , halkaana Boqorku il buu isku qabanayaa , Ishaasuna waxay noqonaysaa , Ishi uu Boqorku ka cawarnaa ( uu la’aa) .. Jilibkana boqorku dhulka ayuu dhigi doonaa , ilayn wax-buu ugaarsanayaaye oo dhinacna wuu isu qaloocin-doonaa, halkaana waxa ku qarsoomi doona lugtii uu la’aa boqorku ..waxa soo bixi-doona Sawir qof dhinac qura laga Sawiray oo jilibka dhulka dhigay oo wax tooganaaya, halkaana waxa qarsoomi-doona ishii iyo Lugti uu la’aa boqorku .. Halkaa waxa ka soo baxay Sawir qurux badan oo aan ceebihii boqorku ka muuqan ,

Kooxdii fanaaniinta farshaxanka ee Sawir Gacmeedka samaysay way ku guulaysteen in ay soo saaraan Sawir qurux badan oo aanu Boqorku ceeb lahayn, laakiin ilaa muddo intee le’eg ayay ceebahanu qarsoomi karaan , illayn Boqorku xil buu u hayaa ummada oo wuxuu ku qasban yahay in uu shacabkiisa la kulmo , waana la wada ogaan doonaa ceebaha boqorka , si kastoo loo qariyaba .

Runtuna waa sida iftiinka cadceedda oo kale oo lama qarin karo, Beenta iyo is-qurxinta dhalanteedka ahina wax badan ma jiraan oo goor ay noqotona waa la ogaan-doonaa runta .

Boqorkii yiri i qurxiya way u suurto gashay markan in Sawir qurxoon la sawiro, laakiin Sawir waaraya ma aha iyo been waari-doonta .

Maxamed Farmaajo iyo Shiikh Shariif  Ceeba-hooda iyo guuldarooyin-kooda siyaasadeed, waa la wada ogyahay oo lama qarin karaayo iney yihiin kuwa Dal iyo Dad aan hogaamin-kareyn .. Hadaba waa in dalka iyo dadka iyaga iyo noocooda laga badbaadiyaa.