Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

The Iron Laday Wasiir Fardowsa Aadka Loo Tabay Oo Galka Seefta Kala Baxday .. Fardosa Oo Ku Hanjabtay In Gafka Shirkadaha Arin Kale Ma Yaale Galab kale La Arki-dono Dhafor Xogasho Iyo Gar La Rifo

Thursday - March 7, 2024




Muqdisho -  The Iron Laday ee ah wasiirada wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Fardoosa Cisma Cigaal ayaa soo saartay qoraal ay ku raali gelineyso dadkii maanta ku xayirmay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxayna wasiirada faahfaahisay sida ay wax u jiraan, waxayna qoraalka ku sheegtay in sanadkii 2022 ay heshiis lagu saxayo qaladaadka ka jira duulimaadyada ay wasaaraddu la gashay shirkadaha diyaaradaha dalka, halkaas ayuu ka soo bilowday qorshaha cusub ee wasaaraddu la timid.

Wasiir Fardoosa Cigaal ayaa sharaxaadeeda ku sheegtay in qaladaad si maalinle ah uga dhaca shirkadaha diyaaradaha qaada dadweynaha u safra gobollada dalka, halka wasaaradduna ay raadisay wadiiqo lagu sixi karo qaladaadkaas .. 

Wasiir Fardoosa oo sharaaxaad ka si bixisay si loo saxo qaladaadka dhaca waxay ka tiri wasaaraddu waxay sameysay system casri ah, kaas oo shirkadaha diyaaradaha farayaya: In System-ka ay ku soo gudbiyaan nooca diyaaradaha ay isticmaalayaan, si loo xaqiijiyo in shirkaddu ay heysato diyaarad bad-qabta oo rakaabka ay ku qaadi karto, sidoo kalena loo xadido tirada tikidhada ay diyaarad kasta qaadi karto, isla markaana Inay System-ka ku soo gudbiyaan xogta rakaabka ay qaadayaan, si hey’adaha Amnigu u hubiyaan.

Wasiir Fardoosa ayaa ku eedeysay shirkadaha diyaaradaha inay diidan yihiin in la saxo qaladaadka uga dhacaya sida maalinlaha ah, maadaama ay diideen inay fuliyaan System-ka cusub ee wasaaraddu la timid.

Wasiir Fardoosa waxay shacabka Soomaaliyeed u xaqiijineysaa inay ka hortegi doonto wax kasta oo dib u dhac ku keeni kara safaradooda, iyadoo wasaaraddu ay la xisaabtami doonto shirkadihii iyo shakhsiyaadkii sababta u ahaa dib u dhaca,