Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Noolaatay Yidi-diiladi Naxashka Saarneyd .. Somaliya Iyo Turkey Oo Kala Saxiixday Heeshiis Shidaal

Friday - March 8, 2024



Istanbul – Turkey iyo Soomaaliya ayaa Khamiistii kala saxiixday heshiis shidaal sahmin iyo qodis, ayaga oo sii xoojiyey xiriirkooda kadib heshiiskii difaac ee ay dhowaan galeen.

Heshiiska ayaa beegsanaya keyda shidaalka ee ceegaaga dhaqaalaha badda Soomaaliya, oo aan wax horumarin ah lagu sameyn tan iyo markii ay buburtay dowladdii kali-taliska aheyd ee Soomaaliya 1991-kii. Heshiiska ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah sahmin dhanka dhulka ah.

Heshiiska ayaa waxaa magaalada Istanbul ku saxiixay Wasiirka Tamarta Soomaaliya Alparslan Bayraktar iyo Wasiirka Batroolka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Tallaabadan ayaa imaneysa kadib heshiiskii dhowaan ay saxiixdeen Itoobiya iyo maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya, kaasi oo Addis-Ababa siinaya marin badeed iyo saldhig ciidan badeed. Heshiiskaas ayaa waxaa ku gacan sayray Muqdisho.

Hadaba Ayada oo laga jawaabayo, ayaa Ankara waxay heshiis difaac badeed oo 10 sano ah la gashay Soomaaliya bishii tagtay, kaasi oo Muqdisho ay sheegtay inuu Turkiga ku waajib yeelayo inay ka difaacdo badda Soomaaliya, argagixisada, burcad badeedda iyo halista dibadeed ee ku xadgudbi karta madax-banaanida Soomaaliya.

Heshiiskan taariikhiga ah ayaa sidoo kale waxay Turkey ku hormarin doontaa kheyraadka badda Soomaaliya ee aagga dhaqaalaha gaarka ah.