Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Hambalyo .. Waa Bil Ramadaan Oo Mudan In La Soo dhaweeyo .. Rug Waxaa U Wacan Janooyinka Aakhiro Ee Ahaw Qof Wanaagsan Oo Sameeh Wax Wanaagsan .. Ka Fogow Dulmi .. Ka Fagow Kibir Iyo Isla-Weyni

Sunday - March 10, 2024




Hambalyo Salaan diiran iyo dhamaan Shacabka Somaaliyeed iyo waliba gaar ahaan Akhistayaasha ku taxan Galdogob Times oo waxaan idin leeyahay waxaa bilantay waa bil Ramadaan oo mudan in lagu soo dhaweeyo ee ikhyaarey si wanaagsan ugu diyaar garoowba maxaa yeelay Ramadaanku illaah koreeya waxaa uu ka yeelay mid ka dheer Bilaha kale 

Waxaa uu illaah Ramadaan dhex galiyay hal habeen oo ka fadli badan kun Bilood, taasoo macnaheeda yahay in habeenkaas Cibaadada la sameeyaa ay ka kheyr badan tahay 1000 Bilood oo cibaado ah, waa in ka badan 82-sano qiyaastii, waxaana arintaas u Daliil ah Qur’aanka kariinka ah aayadahiisa

Bishan Ramadaan ma daaama ay tahay bil eebe barakeeyey, waxaa haboon ineynu ka faaiideysano oo la nimaano Rabi Bari iyo Rujuc Eebe .. Ikhyaarey Ramadaanku  waa bil barakeysan oo Eebe nala rabo Ee Ahaow Qof wanaaggsan oo sameeh wax wanaagsan .. Ka fogow dulmi .. Ka Fogow Kibir iyo islaweyni .. Ha ka tagin salaada waligaa .. Waxaa jira Malaayiin ku jira Qabriyada ee niyada iska leh yaa idin soo celiya nolosha si aad u sujuudaan Hal mara oo Sujuud ah