Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Wax Ka Kororso Aqoonta Nabi Aadan Iyo Ayeeyo Xaawo .. Ayeeyo Xaawo Maxaa Looga Abuuray Aadam Oo Hurda

Tuesday - March 12, 2024




Waxaa la yiri Ninku markuu Xanuun-sanaayo wuu dhibsadaa, hasa-ahaate Haweneyduna kolkey xanuun-saneyso waxaa u kordho Naxariis iyo Jaceyl .. Haddii Xaawo laga abuuri lahaa Aadam oo soo jeedo, wuxuu dareemi lahaa xanuunka soo bixideeda ay Feertiisa ka soo baxeyso iyo naceyb-keeda.

Hase-yeeshee waxaa laga abuuray isagoo Hurda, si uusan u dareemin xanuun uu dhibsado. Halka Dumarku markay ay dhalayaan iyagoo soo jeeda oo ay geeriduna hortooda ka muuqato, laakiin waxey ka kororsadaan Naxariis iyo Ubadkeeda oo ay Jeclaato.

Haddaba, aynu ku laabano Aadam iyo Xaawo .. Xaawo waxaa laga Abuuray Feer qaloocan, ahna Feerta ilaalineysa Qalbiga, Sababtu waxey tahay Allaah ayaa u abuuray Xaawo iney Qalbiga ilaaliso, Halka Aadam laga abuuray Ciidda, maxaa yeelay wuxuu ka shaqeynayaa dhulka, wuxuu noqon mid Beeraha fala, wuxuu noqon mid Guryaha dhisa, wuxuu noqon mid Birta tuma iyo wixi la mida.

Laakin Haweentu waxay shaqadeedu tahay Dhimrinta iyo Naxariista Qalbiga, iney noqotaa Hooyo xanaaneysa, mise Walaal Naxariis Badan, mise Gabar Qalbi jilcan, mise Xaas Daaacad ah.