Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Allaahu Akbar .. Waa Qisadi igu Yaabka Badneyd Intii Aan Qisooyin Iyo Sheekooyin Akhrinaayey .. Heart Emotiion

Wednesday - March 13, 2024



Goobtu Waa Magaalada Baqdaad .. Xiligaas waxay Ahaeyd Caasimadi Tacliinta Sare , isla markaana laga maamuli jiray Dawladi Islaamka .. Waqtigu waa waqtigi Taabiciyiinta 

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa magaalada yimid nin ka socda boqortooyadii Ruumka (The Roman Empire) kaasoo u sheegay khalifka muslimiinta in uu haayo 3-Su'aal oo haday muslimiintu ka jawaabaan uu siin-doono Maal badan oo uu ka keenay boqorka Ruumka .. Khalifkii islaamka ayaa isugu yeeray dhamaan Culimadii muslimiinta iyo dhamaan wixii aqoonyahan ahaa kadib ayuu amray ninkii Ruumaaniga ahaa inuu su'aalihiisii soo daayo .. Rumaanigii ayaa waydiiyay Muslimiintii halkaas isugu timid 3-dii su'aal ee uu hayay waxa uuna ku bilaabay:

1-ILaahey Horaantiis Maxaa jiray?
2-ilaahey Dhankee Ayuu U jihaystaa?
3- ilaahey Muxuu Haayaa Hadda (iminka)?

Goobti shirka ay dooda ka jirtay Ruux hadlo ayaa la waayay Shib iyo Shib iyo Aamus ayaa ka dhacday .. xoogaa kadib ayaa Wiil yar oo la fadhiyay aabihii istaagay oo yiri: Aabe anaa ka jawaabaaya su'aalahaas anigaana idiinka aamusiin-doono .. kadib ayuu wiilkii yaraa fasax ka qaatay khalifkii, dabadeed wiilki markaasuu ku yiri Roomaanigii: 

Ma taqaanaa sida wax loo tiryo? Haa ayuu ku jawaabay Roomaanigii. Markaas ayuu wiilkii yaraa yiri waxaan kaa rabaa inaad tiriso tiro ilaa iyo Toban ah waana in aad ka bilowdaa kor adigoo hoos hoos u tirinaya .. Roomaanigii ayaa bilaabay: Sagaal Sideed Todobo ilaa uu ka gaaray Kow markii uu Kow gaaray ayuu aamusay .. Wiilkii yaraa ayaana yiri: maxaa ka danbeeya Kow? markaas ayuu Roomaanigii ku jawaabay: Kow wax ka dambeeya ma jiraan 

Wiilkii ayaa yiri hadii ay tiro kow ugu danbeyso oo aadan dhaafin-weysay Sidee marka ku weydiisay wax jiro ka gadaal midka kali ah midka kowga ah, midka Axadka ah, midka joogidda abidka ah midka ugu horeeya, midka ugu danbeeyaa, midka daaiimka ah?. 

Roomaanigii ayaa la dhacay jawaabti Kowaad ee cunugu yar .. Cunigii yaraa ayaana bilaabay ka jawaabista su'aashii Labaad taasoo ahayd Sheeg (ilaahey dhankee ayuu u jihaystaa?).Wiilkii yaraa ayaa yiri Shumac ha la keeno kadib ha la daaro markii la daaray ayuu wiilkii waydiiyay: ii sheeg halka uu holacu aadayo ama u jihaysanaayo? Roomaanigii ayaa ku jawaabay Holaca waa iftiin aanan u jihaysanaynin dhanna Waqooyi, Koonfur, Bari iyo Galbeedka wuu ifinayaa .. Wiilkii ayaa ku jawaabay hadii iftiinka yar uu iftiiminaayo dhamaan afarta jiho uusanna ku ekeyn dhanna: Maxaad u malayn iftiinka (nur-samawati wal-ardh?) ilaahey dhan walbo ayuu eegayaa waana iftiinka dhamaan dhulka iyo samawatka.

Ninkii ayaa hadana la dhacay jawabta wiilka yar .. Cunigii yaraa ee xikmada ilaahey ku manestay intuusan waydiin su'aashi 3-aad ayaa wiilkii yaraa ku yiri Roomanigii: Adiga Minbar ayaad fuushaa anigana dhulka ayaan taaganahay hase-yeeshee anna la iga rabaa jawaab celin marka miyeysan fiicnayn inaad soo degto si aan aniga Minbarka u fuulo si dadka dhamaan-tood ay u maqlaan jawaab celintayda? 

Roomaanigii ayaa arintaas aqbalay oo ka soo degay Minbarkii wiilkii yaraa ayana ku fariistay Minbarkii uu kaso degay Roomaanigii kadib ayuu waydiiyay su'aashii 3aad oo ahayd: (Ilaahey muxuu haaya imina?)

Wiilkii yaraa ayaana ku jawaabay: Hada ilaahey wuxuu sababay inuu beenaale ka soo dejiyo Minbar sare kuna bedelo kii asaga aaminsanaa .. Imikana ilaaheyga aad waydiineyso waxa uu haayo wuxuu sababay inuu beenaale diintiisa ku jeejeesaayo uu dhulka dhigo korna u qaado kii aaminsanaa .. Ilaaheyna maalin walbo xaalkiisa waa sidii uu sagu doono. Markaas ayuu wiilkii yaraa akhriyey ayaada 29 ee suratu-Araxmaan 

Ninkii Roomaaniga ahaa ayaa asaga oo qalbi jab ku dhacay ku noqday dalkiisii wiilkii yaraa ayaana ilaahay sababay in uu noqdo Imaan aad loo xurmeeyo lagana qaato diinta Islaamka wiilkii yaraa ee xikmada badnaa ayaana noqday Imaankii weyna ee Islaamka ee loo yaqaan Al-imaan Abu Xaniifa.

hits Hits : 1199