Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Waa Qiso iimaanka Ku Siyaadineeysa .. Qiso Dhex-martay Nin Bir-tuma Ah Iyo Gabar Tuugsi Ugu Timid .. Ducadi Waa Shaqeysay

Friday - March 15, 2024




Nin Safar ku yimi Masar ayaa sheekeeyey wuxuu yiri: Waxaan soo galay gudaha wadanka Masar waxaan arkay Nin Biraha ka Shaqeysta (Birtume) isagoo Birta Dabka oo noqotay dab cadaadday kaga soo bixinaya Gacantiisa oo aanu ku Gubanaynin.

Marrkkaan arkay waan Naxay waxaan is iri Ninkaanu waa Owliyo oo Dabka kuma Gubanaayo, ka dib ninki ayaan u Dhawaaday waana Salaamay oo waxaan ku iri "Walaalkeygiyoow Allihii kugu Maneysantay Karaamadaan ayaan kugu dhaarshee ii Ducee.
Markaas ayuu Ooyey, wuxuuna igu yiri: Walaaloow sida aad Imoodday ma ihi,! Kolkaas ayaan ku iri:-Walaaloow waxaan aad Samanayso Qof aanan Owliyo ahayn ma Samayn karo .. wuxuuna yiri: Arrintaan waxay ku Timid Sheeko Yaab badan hadaad Rabto inaan kaaga Sheekeeyana waan kaaga Sheekeyn. ka dib ayaan ka Codsaday inuu Iiga sheekeeyo Sheekadaas,

Ninki Birtumaha wuxuu Hadalkiisa ku Bilaabay:- Maalin maalmaha ka mid ah waxaan Dhex Fadhiyey Dukaankaan waxaana ahaa Nin Fir-fircoon oo Bulsho ah, waxaa ii Timid Gabar aanan weli Arkin mid iyada ka Qurux badan, waxayna igu tiri: Walaalow wax aad Ilaahay Dartiisa u Bixinayso ma Heysaa? .. waxaan ku iri:- Guriga ma ii Raacaysaa aan ku
Isticmaalee waxaad Rabto oo Dhanna waan ku Siinaa, ka dib Cabbaar ayey i Fiirisay, waana iga Tagtay. in muddo ah ayey iga Maqnayd ka dib Wey ii Timid,

Waxayna igu tiri:- Dan iyo Baahi ayaa igu Kaliftay inaan kaa Ogolaado inaan ku Raaco ee inakeen .. Dukaankii ayaan Xiray Guriga ayaan u kaxaystay markii aan Guriga Galnay waxay igu tiri: waxaan ka soo Tagay Caruur aan Dhalay oo aad u baahan ee Hadda wax yar isii si aan usii Geeyo ee waana kuu soo noqonaa, Ballan adag ayaan ka Qaaday in ay ii soo noqoto, waxaana siiyey Xoogaa Daraaahim ah.

Gabbadhi Way Baxday Saacad ka dib ayey ii Timid Guriga ayey iigu soo gashay albaabka ayaan xiray, waxay igu tiri:- Maxaad u xirtay Albaabka? waxaan ku iri:- Dadka inay na Arkaan ayaan ka Baqayaa. Markaasbay igu tiri: Walaal dadka waad ka baqeysaa, oo Alihii ku abuuray maxaad uga baqi weyday? waxaan iri: Alle waa dembi dhaafe naxariis badan. ka dib xaggeeda ayaan Aaday markaasay Ooyday illin-teeduna dhabanada ku soo Hooreen .. waxaan ku iri: Maxaad la Oyneysaa oo aad la Jaraynaysaa? waxay igu tiri ilaahay Cabsidiisa ayaan la Oynayaa oo aan la Jaraynayaa .. ka dib waxey intaas ii Raacisay: Walaaloow haddi aad ilaahay dartiis ii Dhaafto, waxaan Ballan Qaadi in uusan Alle kugu Cadaabin Dab (Naar) Adduun iyo Aakhiro.

Intaas markeey igu tiri: Waan Istaagay wixii aan Hayey oo Dhami waan siiyey, waxaana ku iri: Gabaryahay waxaan kugu Dhaafay illaahay Cabsidiisa .. markay iga Tagtay waxaa aad ii Qabatay Hurdo, waan Seexday waxaan Riyo ku Arkay Gabar aad iyo aad u Qurux badan, Madaxana ku wadato Taaj ka Samaysan Dahab dhalalaya iyo dheeman, waxay igu tiri: ilaahay Kheyr iyo xasanad ha kaa siiyo abaalki aad ii samaysay. waxaan ku iri: oo Tumaa ahayd ? waxay igu jawabtay: waxaan ahay Hooyadii Caruurta lahayd ee kuu Imaanaysey ee aad Alle Dartiis ku Dhaaftay ilaahay Dab kugu Gubi maayo Adduun iyo Aakhiro.

Ka Dib waxaan ku iri- Isu kay Sheeg Qabiilkee ka Dhalatay ilaahay hakuu Naxariistee? waxay igu tiri:- waxaan ka soo Jeedaa Nasabka Rasuulka CSW.

Waxaan markiiba ka soo Booday Hurdadii laga soo Billaabo Maalintaas Dab oo dhan kuma Guban, waxaana Rajaynayaa Aakhirana in aan ku Guban Insha Allaah.

Subxaan Allah Qizadani waxan ka fahmaynaa Qofka aad Alle dartiis Abaal ugu samayso in aad helayso naxariista Alle .. Allena waxan ka baryeyna in uu jirkeena ka fogeeyo Naar .. Aamiin Aamiin  Ya Allah..